Hangoolnews.com
“Garsoore Axmed Dalmar Ismaaciil Wuxuu U Diiday {Boqor Buurmadow} Inuu Qareen Helo Iyo Inuu Is Difaaco, Inkasta Oo Uu Marar Badan Sidaas Codsaday.” Amnesty International
May 17, 2018 - Written by Hangool

Hangoolnews.com:- Hay’adda u dooda xuquuqda bani’aadamka ee magaceeda la yidhaa Amnesty International ayaa qoraal ay soo saartay waxay ku sheegtay in Boqor Buurmadow la xukumay iyada oo aan wax difaac ah aanu helin. “Garsoore Axmed Dalmar Ismaaciil wuxuu u diiday {Boqor Buurmadow} inuu qareen helo iyo inuu is difaaco, inkasta oo uu marar badan sidaas codsaday.” Ayay tidhi Amnesty. Sidoo kale waxaay warbixintu sheegtay in Maxamed Kayse Maxamuud lagu xukumay qoraal uu Facebook ga dhigay oo uu ku sheegay madaxwaynaha local.

Amnesty International waxaay sheegtay inaay ka walaacsan tahay in Boqor Cismaan Buurmadow iyo Maxamed Kayse Maxamuud lagu xukumay aragtidooda oo ay dhiibteen darteed. Ugu danbaytnii waxay ka codsatay Somaliland inay xorriyadooda u soo celiso.

Links-gan Hoose Guji oo Kala Deg warbixintii ay soo saartay Amnesty oo dhamaystiran.

Amnesty-UA

COMMENTS
Latest News