Hangoolnews.com
Akhri:- ‘’Waxaan Rabaa Muuse Biixi Iyo Dowladdiisa Gooni-Goosadka Ah In Aan U Sheego In Puntland Diyaar U Tahay In Ay Dhulkeeda Difaacato, Iska Celiso Cid Kasta…”Madaxwaynaha Putland
May 17, 2018 - Written by Hangool

Hangoolnews:- Madaxweynaha maamul gobolleedka Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo markii ugu horeysay ka hadlay dagaalka gobolka Sool, gaar ahaan deegaanka Tuka-Raq ayaa sheegay in Puntland diyaar u tahay inay difaacato dhulkeeda.

Wuxuu sheegey in Muuse Biixi Cabdi madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliland uga digayo sida uu hadalka u dhigay weerarka uu ku hayo deegaannada Puntland.

‘’Waxaan rabaa Muuse Biixi iyo dowladdiisa gooni-goosadka ah in aan u sheego in Puntland diyaar u tahay in ay dhulkeeda difaacato, iska celiso cid kasta oo ku soo duusha, waxey ku socdaan xaq darro dhul aysan laheyn ayeey rabaa in ay xoog ku qabsadaan, suurtagalna ma’aha ayuu yidhi Cabdiwali Gaas.

‘’Waxaan Rabaa Muuse Biixi Iyo Dowladdiisa Gooni-Goosadka Ah In Aan U Sheego In Puntland Diyaar U Tahay In Ay Dhulkeeda Difaacato, Iska Celiso Cid Kasta…”Madaxwaynaha Putland

Waxaan ugu baaqayaa dhamaan shacabka reer Puntland in ay u diyaargaroobaan difaaca dhulkooda, in ay u diyaargaroobaan dagaal, in ay u diyaargaroobaan in ay sharaf ku noolaadaan, waad ogtihiin Muuse Biixi halka uu ka yimid, Hargeysa ayuu ka yimid, waxaa uu rabaa in uu Tuka-raq isaga oo jooga nabad ku naaloodo’’ ayuu hadalkiisa sii raaciyay Gaas.

COMMENTS
Latest News