Hangoolnews.com
Waddo Hindiya ku duntay oo ay 18 ku dhinteen
May 16, 2018 - Written by Hangool News 1

Ugu yaraan 18 ruux ayaa ku dhimatay dadkale oo baddana way ku hoos xannibmeen ka dib markii ay waddo dhulka ka sarraysa ku duntay magaalada Varanasi ee dalka Hindiya, iyadoo ku habsatay baabuur hoos maraysay.

Waddada ayuu wali dhisme ku socday markii ay qayb ka mid ah duntay, waxaana furnayd oo gawaaridu adeegsanayeen waddo kale oo hoos marta.

Shaqaale ka socda gurmadka degdegga ah ayaa sheegay in ilaa iyo hadda la helay 18 ruux oo mayd ah.

Waxaa socda gurmad lagu baadigoobayo dadka wali la rumaysan yahay in ay ku hoos jiraan gawaarida, balse tiradooda iyo xaaladda ay ku sugan yihiin ayaan wali war laga haynin.

Sawirro iyo muuqaallo laga qaaday dhacdadan ayaa muujinaya gawaari iyo bas ku hoos xaniban yihiin burburka oo ay dad ku jiraan.

COMMENTS
Latest News