Hangoolnews.com
Akhri:- Shirkadda Hema Books Oo Shacabka Somaliland Ku Hambalyaysay Curashada Bisha Barakaysan Ee Ramadaan Iyo Maalinta Gooni-Isku Taaga Waddanka Ee 18 May
May 16, 2018 - Written by Hangool News 1

Hangoolnews.com Shirkadda daabacadda bugaagta ee Hema Books waxay dhammaan shacbi weynaha Jamhuuriyadda Somaliland ugu hambalyaynaysaa munaasibadda xuska 18-ka may ee sannad guurada 27-aad ee ka soo wareegtay la soo noqoshada madaxbanaanida Somaliland, waxaanay guud ahaan shacbiga Somaliland u rajaynaysaa inay sannadkan sannadkiisa ku gaadhaan bashbash iyo barwaaqo.

Sida oo kalena Hema Books waxay shacbiga jamhuuriyadda Somaliland ugu hambalyaynaysaa curashada bisha barakaysan ee Ramadan oo caawa ku beegan, waxaanay shacbiga Somaliland leedahay ku sooma nabad qab.

Dhinaca kale waxaa ay shirkadda Hema Books ay guud ahaa bulshada Somaliland ugu baaqaysaa in ay Acmaasha khayriga ah laba-laabaan inta lagu jiro bisha barakaysan ee ramadaan isna saamaxaan.

Hema-Books waxaa ay si gaara u Hambalyaynasaa Ardayda, Macalimiinta, Waalidka, Bahda Waxbarashadda iyo guud ahaan

Mushtamaca Waddankan Somaliland oo ay leedahay sanadka sanadkiisa ku gaadha Bash Bash iyo Barwaaqo

Kullu caam wa antum bil-khayr.

 

COMMENTS
Latest News