Hangoolnews.com
Akhri:- Mid Ka Mid Ah Wasiirada Ugu Tunka Wayn Xukumadda Muuse Biixi Cabdi oo Codsaday In Wasaaradda Uu Hayo Laga Badalo iyo masuulka uu yahay
May 16, 2018 - Written by Hangool

Hangoolnews:- Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland Mudane Maxamed Kaahin Axmed oo ay saaxiibo dhow yihiin Madaxwaynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa dalbaday in kursiga wasiirka arrimaha gudaha laga wareejiyo oo loo badalo wasaarad kale sida xoogo mihiima oo la xidhiidka qasriga madaxtooyada Somaliland ay Hangoolnews.com u Xaqiijiyeen.

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland oo aanu isku daynay in aanu arrintan wax ka waydiino ayaa Mobile-kiisa Gacantu noo dhici waayay iyada oo ay jirto in meelaha qaar laga xidhay khadka gobolka uu ku sugan yahay ee Ceergaabo.

Dhinaca kale warar aanu ka helayno madaxtooyada Somaliland ayaa waxaa ay xaqiijinayaan in cabasho badani ka tagtay wasiirkan intii uu xilka hayay taasina ay keeni karto in saaxiibkii Biixi booskan ka qabow uu la doonto.

Hangoolnews.com

 

 

COMMENTS
Latest News