Hangoolnews.com
Akhri:- Magacyada Dowladaha Suurta Galinaya In Ay Wadda Hadlaan Madaxwaynayaasha Somaliland Iyo Putland, Muuse Biixise Ma Aqbali Doonaa??
May 16, 2018 - Written by Hangool News 1

Hangoolnews:- Dawladaha Imaaraatka iyo Sucuudiga ayaa dadaal xoogan u galay sidii loo baajin lahaa dagaal ka dhex qarxa saaka mar kale jamhuuriyada Somaliland iyo Maamulka Putland oo shalayto uu dhex maray dagaal uu ka dhashay khasaare nafood oo badani.

Hadaba sidda wararka aanu ku helayno ayaa sheegaya in labadan dowladood ee carabta ahi uu maamulkoodu xidhiidh la sameeyay maamulada Somaliland iyo Putland waxaanay ka dalbadeen in aan wax dagaali dhicin maanta halkaasina lagu soo afjaro colaada ka oogan Deegaankaasi.

Dhinaca kale wararka ayaa sheegaya in Dowlada Itoobiya ay iyada dhankeeda soo dhex gashay oo ay ka dalbatay labada madaxwayneba in la hakiyo colaada.

Masuuliyiinta ugu saraysa dowladaha Itoobiya, Sucuudiga iyo Imaaraatka ayaa waxaa ay qorshaynayaan in khadka telefoonka ay kuwada hadashiiyaan Madaxwaynayaasha Somaliland iyo Putland kaas oo qarsooni noqon doona.

Shalay fiidkii ayay ahayd markii laba dhinac ee dagaalamayay uu mid waliba soo dhoobay ciidan badan dhankiisa.

Wali ma jirto wax khasaare ah oo ilaa imika ka dhacay deegaankii shalayto dagaalku ka dhacay,

Mana jiraan wax faah faahin ah oo ka soo baxay labad maamul ee Somaliland iyo Putland

Madaxwaynaha Somaliland Muuse Biixi ayaa la ogayn in uu aqbali doono iyo in kale waxaase jira tuhuno badan kuwaas oo sheegaya in uu muujin doono dabac siyaasadeed.

Todobaadkan gudihiisa ayuun bay ahay markii Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay uu u kala dab-qaaday labada Madaxwayne inkasta oo wax natiijo ahi ka soo bixin

Hangoolnews.com kala soco waxii soo kordha

 

COMMENTS
Latest News