Hangoolnews.com
Akhri:- Khasaaraha Dhabta Ah Ee Dhimashada Iyo Dhaawaca Dagaalkii Shalayto Dhex Maray Somaliland Iyo Maamulka Putland Iyo Tirad Gaadiidka Milatari Ee La Kala Qabsaday
May 16, 2018 - Written by Hangool News 1

Hangoolnews:- Dagaal gaystay dhimasho iyo dhaawac farabadan ayaa shalayto ku dhex maray deeganka Tuka-raq Ciidanka Somaliland iyo Maamulka Putland.

Hadaba Hangoolnews ayaa ilaa xalayto u kuur-galayay khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dagaalkaasi waxaana noo suurto gashay in aan ogaano inta uu  leeg tahay dhimashada iyo dhaawaca labada dhinac iyo saanada ciidan ee labada Ciidan kala qabsadeen.

Putland Khasaaraha gaadhay

  • Dhimasho 54 Askari oo ay ku jiraan lix taliye halka warar xoogani sheegayaan in isna uu dhimashada ku jiro taliyahii Ciidanka Daraawiishta
  • 70 Askari oo dhaawac ah
  • 31 Maxbuus waa laga qabtay
  • 8 Gaadhi waa laga gubay
  • 14 gaadhi oo laba kaari yihiin waa laga qabsaday

Khasaaraha Somaliland la Gaadhsiiyay

  • 12 Askari oo dhimasho ah oo uu ku jiro hal sarkaal
  • 19 Dhaawac ah
  • Laba gaadhi oo laga gubay oo mid ka mid ah ay ku naf waayeen shan Askari oo saarnaa
  • Hal Beebee oo laga qabsaday Somaliland

Waxii warar ah kala soco Hangoolnews.com

 

 

COMMENTS
Latest News