Hangoolnews.com
Madaxwayne Muuse Biixi Cabdi Oo La Filayo In Uu Dib U Magacaabo Janan Ka Tirsanaa Xukumaddii Hore Ee Siilaayo Kaas Oo Xaaladaha Dagaalka Tuka-Raq Wax Ka Qabashadeeda Loo Waddo
May 15, 2018 - Written by Hangool News 1

Hangoolnews:- Madaxwaynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa la filayaa in uu u yeedho Taliyahii hore ee Ciidanka Asluubta ee Xukumaddii Siilaayo Sareeye-Gaas Maxamed Xuseen Faarax “Xiirane” oo Deegaan ahaan ka soo jeeda gobolka Sool,

Janankan ayaa hore waxaa la filayaa in ay Madaxwaynaha ka wadda hadlaan dagaalka ka socda Deegaanka Tuka-raq.

Wararka qaar ayaa sheegaya in uu ka mid yahay janankani Masuuliyiin la filayo in uu madaxwayne Muuse Magacaabo,

Dhankale xogo hoose oo u dhuun daloola madaxtooyada Somaliland ayaa sheegaya in Xiirane lagu waddo uu noqodo jananka ciidanka Militariga,

jananka ayaa aqoon buuqda u leh howlaha ciidan ee dagaal waxaana loo badanayaa in kurigaasi uu ku fadhiisto.

Sareeye-gaas Maxamed Xuseen Faarax “Xiirane” iyo saraakiisha kale ee uu madaxwayne Muuse la kulmayo ayaan la filayaa inay ka wadda hadlaan xaalada dagaal ee deegaanka Tuka-raq.

Hangoolnews kala soco waxii warar ah

COMMENTS
Latest News