Hangoolnews.com
Faah-faahin Dagaal U Dhexeeya Somaliland Iyo Puntland Oo Ka Socda Deegaanka Tuka-raq
May 15, 2018 - Written by Hangool News 1

Hangoolnews: Wararka ka imaanaya deegaanka Tuka-raq ee ayaa sheegaya in uu halkaasi ka socdo dagaal u dhaxeeya ciidammada qarabka Somaliland iyo kuwa maamul gobolleedka Puntland

Taliyaha milatariga Somaliand Nuux ismaaciil Taani, ayaa BBC-da u xaqiijiyay in dagaalku uu socdo wuxuuna sheegay in ciidammada Puntland ay duulaan kaga soo qaadeen labo aag.

Wasiirka Warfafinta Puntland Cabdi Xirsi Cali Qarjab oo BBC-da la hadlay ayaa isna sheegay in ciidammada la soo gardaraystay balse ay iska caabiyeen walina uu dagaalku socdo.

Halkan hoose ka DAAWO hadalka wasiirka Puntland

Dhawaan ayay ahayd markii ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Michael Keating uu booqasho ku kala bixiyay Puntland iyo Somaliland Isaga oo ku baaqay in colaadda la joojiyo wadahadalna lagu dhammeeyo.

COMMENTS
Latest News