Hangoolnews.com
Akhri:- Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Dagaalka Deegaanka Tuka-Raq, Aaga Ay Ku Sugan Yihiin Ciidanka Somaliland Iyo Xaalada Jiidaasi
May 15, 2018 - Written by Hangool News 1

Hangoolnews:- Wararka ugu dambeeyay ee aanu imika ka halayno aaga dagaalku ka socodo ee deegaanka Tuka-raq ayaa sheegaya in dagaalkii istaagan waxaana wararka labada dhinac laga helayaa ay sheegayaan in ciidan badan oo gurmad ahi ay soo gaadheen labada dhinacba.

Dagaalkan ayaa saaka ka dhacay aaga God-qaboobe oo ka tirsan jiidaasi.

Wali ma jirto dhimashada rasmiga ahi inta ay marayso cid xaqiijin karta,

Xukumadda Somaliland ayaa Ciidan xoogan gaysay oo gurmad ah halkaasi halka maamulka Putland ay keeneen ciidan iyaguna dhankooda,

Wali waxaa socda saansaan colaadeed oo la filayo in markale barito hiirta uu halkaasi dagaalku ka sii socdo.

Ciidanka Somaliland ayaa waxoogaa u jira deegankan God-qaboobe oo saaka dagaalku ka bilaabmay.

Goobta dagaalku ku socdo ayaa waxaa ku sugan masuuliyiin badan oo ka tirsan xukumadda somalilland halka madaxwayne ku xigeenka dalkuna ku sugan yahay Burco lana filayo in isaga iyo madaxwaynaha midkood gaadhaan aagaasi

Hangoolnews.com kala soco waxii warar ah ee soo kordha

COMMENTS
Latest News