Hangoolnews.com
“6 Gaadhi Iyo Maxaabiis Badan Ayaanu Ka Qabsanay…” Taliyaha Ciidanka Qaranka Somaliland Oo Iminka Ka Hadley Dagaalkii Puntland Ee Tuke-raq
May 15, 2018 - Written by Hangool News 1

Taliyaha ciidanka qaranka Somaliland Sareeye Gaas Nuux Ismaciil Taani oo goor dhaweyd warbaahinta kula hadley jiida hore ee dagaalka ayaa waxaa uu ka hadley dagaal saaka dhex maray ciidamada Somaliland iyo kuwa Maamulka Puntland.

Taliyaha ayaa sheegay in dagaalkaasi ay guul weyn ka soo hooyeen ciidamada Somaliland isla markaana ay ku qabsadeen 6 gaadhi oo mid ka mid ahi taangi yahay, sidoo kale-na ay la wareegeen magaalada God qaboobe oo ay hore gacanta ugu hayeen ciidamada Maamulka Puntland.

COMMENTS
Latest News