Hangoolnews.com
Real Madrid Oo Qaadatay Tababarkii Maanta iyadoo ay Ka Maqan Yihiin Ronaldo, Bale iyo Carvajal
May 8, 2018 - Written by Hangool News 1

Hangoolnews(Sports):- Real Madrid ayaa qaadatay tababarka Salaasada iyadoo ay ka maqan yihiin xiddigaha Cristiano Ronaldo, Gareth Bale iyo Dani Carvajal, kaas oo ay iskugu diyaarinayso ciyaarta Sevilla ee Arbacada.

Kulankan oo baaqi u ahaa Real Madrid sababtoo ah Sevilla oo Finalka Copa del Rey la ciyaaraysay Barcelona, ayaa waxa uu noqon doonaa midkii ugu horreeyey ee uu dhaawac ku seegayo Ronaldo kaddib markii uu wax ku noqday kulankii El Clasico ee Barcelona.

Bale oo dhaliyey goolkii barbar-dhaca ay Madrid kula gashay Barca Axaddii, ayaa waxa uu tababarkii maanta kaga maqnaa ilmihii saddexaad oo u dhashay, laakiin sida kalena waxa uu ganaax ku seegi doonaa ciyaarta Arbacada maadaama ay u buuxsameen tirada shan kaadh oo uu qaatay.

Carvajal ayaa sidoo kale aan weli garoomada kusoo laabanin, lamana hubo in uu kasoo horreyn doono Finalka Champions League isagoo la dhibaatoonaya dhaawac gaadhay lugtii hore ee ciyaartii semi-finalka Champions League ee Bayern Munich.

Zidane ayaa tababarkii Salaasada ugu yeedhay ciyaaryahannada heerka labaad ee Alvaro Tejero oo difaaca ka ciyaara, Oscar Rodriguez oo dhex ah iyo Luismi Quezada oo baasha ka ciyaara.

COMMENTS
Latest News