Hangoolnews.com
Jose Mourinho Oo Qiimeyn Ku Sameeyey Rejada Ay Koobka Aduunka Ku Qaadi Karaan Lionel Messi Iyo Cristiano Ronaldo
May 8, 2018 - Written by Hangool News 1

Hangoolnews(Sports):- Jose Mourinho waxa uu aaminsan yahay in joogitaanka Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo ay tahay in Argentina iyo Portugal loo arki kuwa ugu cad cad koobka aduunka.

Labada xiddig waxa ay doonayaan in ay koobka aduunka ku daraan koobabka badan ee ay qaadeen, iyaga oo ka soo muuqanaya ilaa iyo 2006.

Messi waxaa fiinaalaha xulkiisa Argentina ka qaaday Germany iyada oo uu waqtigii dheeriga ahaa Mario Gotze   ka dhaliyey halka Ronaldo oo ugu dhawaa 12 sano kahor oo ay Portugal ku hartay afar dhammaadka kaddib gool ku laad uu Zinedine Zidane ka dhaliyey.

“Portugal saf xiiso leh ayey haysataa, Ronaldo la’aan macquul ma aha,” ayuu Mourinho u sheegay ESPN. “Laakiin isaga marka ay wataan ma jiraan wax aan suurtagal ahayn.

“Waxaan qabaa Argetina Lionel Messi la’aanteed ma noqonayaan kuwo tartami kara, laakiin marka uu la jiro waa kuwo ka mid ah kuwo ugu cad cad.”

Lionel Messi waxa uu Barcelona ka caawiyey ol’olahan hanashada La Liga iyo Copa del Rey, waxa uu rejeynayaa in uu ku daro koobka aduunka.

Cristiano Ronaldo, isagu, waxa uu fadhiyaa fiinaalaha Champions League oo ay Kiev dabaqaayada bisha kula dheeli doonaan Liverpool.

COMMENTS
Latest News