Hangoolnews.com
DEG DEG: Liverpool Oo Xaqiijisay In Joe Gomez Seegi Doono Koobka Aduunka
May 8, 2018 - Written by Hangool News 1

Hangoolnews(Sports):- Liverpool waxa ay xaqiijisay in Joe Gomez seegi doono koobka aduunka kaddib markii qalliin lagu sameeyey.

Waxaa jiray warar hore u soo baxay oo sheegayey in uu Gomez seegi doono kulanka Fiinaalaha Champions League balse fursad u heli karo koobka aduunka.

Hase ahaatee, Liverpool ayaa warka kala caddeysay iyada oo sheegtay in 20 jirka uusan dheeli doonin Koobka Aduunka oo uu tababarka ku soo laaban doono bisha Luulyo.

View image on Twitter

Liverpool FC

@LFC

can confirm @J_Gomez97 has undergone an operation on an ankle injury: http://lfc.tv/AQsJ 

LFC waxa ay xaqiijin kartaa in J_Gomez qalliin looga sameeyey canqowga.

Bishii Maarso, ayuu Gomes canqowga ka dhaawacmay isaga oo xilligaa waajibaad qaran kaga horimaanayey Netherlands balse da’yarka waxa uu soo laabtay bil kaddib isaga oo ka soo muuqday laba kulan oo horyaalka ee ay kooxda Merseyside dheeshay.

Waxaan ka xumahay in ol’olahaygii koox iyo wadanba dhammaaday

Yeelkeede, saddexdii kulan ee ugu dambeeyey ma uusan dheelin waxa uuna soo kabashadiisa bilaabi doonaa kulamada loogu diyaar garoowo ol’olaha.

Gomez waxa uu u dhammaaday ol’olaha isaga oo 30 kulan dhammaan tartamada matalay Liverpool Xilli Ciyaareedkan.

COMMENTS
Latest News