Hangoolnews.com
“Madaxweyne Umaddu Waxay Ku Jirtaa Dhiig Bax,Adna Dhiig Joojin Deg Deg Ah Ayay Kaa Rabtay,Waxaana Dadka Dishooshay,Sicir Barar Sababay In Nolosha Dadku Cidhiidhi Gasho.
April 17, 2018 - Written by Hangool News 1

Mudane Madaxweyne waxaad xilka haysaa muddo Afar bilood ka badan,illaa haddana waxaa muuqata inaanad war ka haynin Waayaha dhabta ah ee Dadkaagu ku noolyahay iyo Xaalada Nololeed ee hoyga u ah. Mudane Madaxweyne waad Afartan baxday oo way dhamaadeen wakhtigii 120-Cisho ahaa ee aad qabsatay,Waxaanad soo bandhigtay wixii kuu qabsoomay maalmahaasi koobnaa.

Mudane Madaxweyne Xuska maalinta aad u bixisay dhir Beerista ee Shalay Dalka laga Xusay malaha waxaa ka horeeysay dhiig joojinta Shacabkii ku soo doortay ee la isha daran Sicir Bararka iyo inaad gar gaar deg deg ah u fidiso boqolaal Qays oo Hargeysa ku dhaqan oo aan sadddexda wakhti karsiimo helin. Mudane Madaxweyne ma ogtahay in Xaafaddda STATE HOUSE-ka Hargeysa oo 100-Mitir Qiyaas u dhaw Gurigaaga Ujirtaa ay ka jirto xaalad nololeed oo aad u ildaran iyo Caafimaad Darro Baahsan oo ay suurtagal tahay inay Wakhti roobaadkan Xannuuno ka dilaacaan,ALLE ka sokawna ay Adiga ku sugayaan.
Mudane Madaxweyne ma ogtahay in sicir Bararkii ay Xukuumaddaadu u taag wayday wax ka qabashadiisa uu cidhiidhi galiyay inta badan Nolosha Bulshada Somaliland taasina Madaxweyne ay kaaga baahan tahay inaad ku talogalkeed yeelato oo aad ka dhigato Talaabooyinka hor dhaca ah ee aad qaadayso si aad u bad baadiso nolosha Dadka laakiin Madaxweyne ma ahayn dadkuna kaamay filayn inaad dhir abaqaalid kaga jeedsato bad baadinta noloshada Dadka Reer Somaliland oo intooda badan wakhtigan ku sugan xaalad nololeed tii ugu darnayn markaad eegto dhinaca Sicir Bararka iyo shaqo la’aanta baahsan ee dadkeena dishootay.
Mudane Madaxweyne Ma Ogtahay in wakhti roobaadkii lagu jiro,Magaalada Hargeysina la ciir ciirayso Qashin taasina ay sababi karto Cuduro halis ah oo ka qarxa. Mudane Madaxweyne miyaanay markaasi ka haboonaan lahayn inaad dhir beerista ka horaysiiso olole nadaafadeed oo aad ku qaado Caasimadda oo qudha si looga hortago Cudurada halista badan ee Faafa,kana dhasha Qoyaanka biyaha Roobka?. Mudane Madaxweyne ma ogtahay in Shacabka Somaliland ay ka aradan yihiin dhamaan adeegyadii dawladnimo,sida Biyo bilaash ah oo nadiif ah oo ay helaan,Waxbarasho dawladeed oo Bilaash ah,Laydh Bilaash ah iyo Caafimaad Bilaash ah. Mudane Madaxweyne ma ogtahay inay Shacabka Somaliland kuu arkayeen adiga inaad tahay shaqsigii samayn lahaa dhan dhamo dawladeed balse ay imika muuqdaan wax taasi ka duwani,rajadii ay Shacabku kugu qabeena ay meesha ka sii baxayso.
Source Foore

COMMENTS
Latest News