Hangoolnews.com
“Ma Jirto Cid Noo Buuxinaysa Booska Ay Noo Jogaan Imaraadka Carabtu” Madaxweynaha Maamulka Puntland
April 17, 2018 - Written by Hangool News 1

Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiweli Maxamad Cali Gaas ayaa ka codsaday Imaaratka Carabta inay sii wadaan taagerada ay u fidinayaan dowladda Soomaaliya.

Madaxweyne Cabdiweli Gaas ayaa hadalkan waxa uu ka sheegay shir jaraa’id oo uu maanta ku qabtay magaalada Boosaaso.

Hadalkan ayaa imaanayaa xilli dowladda Isutagga Imaaraatka Carabta ay sheegtay inay joojinayso iskaashiga milateri ee ay la leedahay Soomaaliya.

“Waxaan rabaa in aan idiin sheego in aan ka codsanay dowladda Imaaraatku in ciidankaasi ay tabbabarka sii wadaan oo ay joogaan, oo ay sii wadaan hoowshii iyo tageeradii ay ciidanka siin jireen,waxaanu codsanaynaa inay sii labalaabaan”, ayuu yiri Gaas.

Qaar ka mid ah ciidammada Puntland ee ay Immaaraadku tababareen
Image captionQaar ka mid ah ciidammada Puntland ee ay Immaaraadku tababareen

Imaaraatka ayaa tababar u fidinayay ciidammada Puntland ee ku hawlan la dagaalanka burcad baddeeda, kooxaha xagjiriinta iyo

“Xidhiidhka Imaaraadka iyo Soomaaliya”

Dalka Imaaraatka Carabta ayaa Axaddii sheegay inuu joojiyay tababaradii uu siin jiray ciidammada Soomaaliya taasoo loo qaatay inay ajwaab u tahay dhacadadii dhawaan ay dowladda Soomaaliya ku qabatay diyaarad waday malaayiin doolar oo laga shakiyay kana timid Imaaraadka.

Imaaraatka ayaa sheegay in lacagtii lagu qabtay garoonka Aadan Cadde in loo waday ciidammada militariga Soomaaliya oo ay mushaar ahayd.

Bayaanka kasoo baxay Imaaraatka Carabta ayaa sido kale lagu xusay in qabashada lacagta ay jebinayso heshisyada labada dal ay wada gaareen.

Wuxuu dalkaasi sheegay inuu bixinayay in ka badan 2000 oo ciidan mishaarkooda.

Wasiirka gaashaandhigga Maxamed Mursal Sheekh ayaa sheegay in ay kala direen ciidammadii uu Imaaraatka tabobarayay, islamarkaasna ku kala daray ciidammada kale ee dalka, waxaana si rasmi ah loosoo afjaray iskaashi military oo labada dal u dhaxeeyay.

Qaar ka mid saraakiisha Immaaraadka ee bixineysay tababarka ciidammada ayaa isaga baxay Puntland Axaddii
Image captionQaar ka mid saraakiisha Immaaraadka ee bixineysay tababarka ciidammada ayaa isaga baxay Puntland Axaddii

go’aan dhexdhexaadnimo

War ay manta soo saartay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaase lagu sheegay in dowladda Soomaaliya ay diyaar u tahay dib u hagaajinta xiriirka ”taariikhiga” ee Dowladaha Imaaraadka iyo Soomaaliya.

Tan iyo intii uu biloowday khilaafkii dalalka khaliijka ka dhaxeeya, kaas oo xiriirka dublamaasiyadeed loogu jaray dalka Qatar, waxaa aad usii xumaanayay xiriirka Soomaaliya iyo Imaaraatka Carabta.

Dowladda Soomaaliya waxa ay qaadatay go’aan dhexdhexaadnimo ah, iyada oo diiday in ay la kala safatay dhinacyada is hayay.

COMMENTS
Latest News