|
|||||
Hangoolnews.com
Wasiirka Horumarinta Maaliyada Oo Magacaabay Gudiga Dardargalinta Dakhliga
April 15, 2018 - Written by Hangool News 1Hangool news:-Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Yuusuf Maxamed Cabdi waxa uu soo saaray wareegto uu ku magcaabay Guddida Dardargalinta Dakhliga. Waxa ay wareegtadu u dhignayd sidan: Jamhuuriyadda Somaliland Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Xafiiska Wasiirka WM/02/08-01/607/2018 Ku: Wasiir-ku-xigeenka W/H/Maaliyadda Ujeeddo: Magcaabista Guddida Dardargalinta Dakhliga Laga bilaabo maanta waxa la idiin magcaabay Guddida Dardargalinta Dakhliga, idinka oo subax kasta shiri doona dajinna doona hawlihiinna maalinlaha ah ee ku saabsan sidii dakhliga kor loogu qaadi lahaa. Maadaama miisaaniyaddii 2018 ka la ansixiyay, waxa la inooga baahanyahay gunti-giijis iyo sidii loo soo saari lahaa ku-tala-galka dakhliga 2018 ka. Sidaa awgeed, waxaan mar labaad idinku wargalinayaa in aad hawshaas si degdeg ah uga hawl gashaan, waxaana guddidan madaxa bannaan madax u noqon doona wasiir-ku-xigeenka wasaaradda Maaliyadda Mudane Maxamed Daahir Axmed. Allaa Mahad Leh Yuusuf Maxamed Cabdi
COMMENTS
|
Latest News
|