Hangoolnews.com
Shirkadda Hema-Books Oo Ku Guullaysatay Tayaynta Iyo Kobcinta Waxbarashada Somaliland
April 15, 2018 - Written by Hangool News 1

Hangoolnews:- Tan iyo waxii ka dambeeyay markii lagu dhawaaqay gooni-isu-taaga Qaranimada Somaliland waxaa maamuladii kala dambeeyay ay dadaal xooggan u galeen kobcinta Waxbarashadda Dalka waxaanay masuul kasta oo loo igmado Wasaaradda Waxbarashada uu kaalin mihiima ka qaadanayay sidii loo horumarin lahaa Waxbarashada Waddanka ardayduna ay u heli lahay baahiyahooda waxbarsho.

Xillo iyo marxalado kala duwan ka dib waxaa sahan dheer loo galay loo siddii loo heli lahaa buuggaag Tayayasan oo  wadda gaadha dhammaanba Ardayda Dalka Gobol illaa Dagmo.

Xukumaddii hore ee KULMIYE ee uu Gadh-wadeenka ka ahaa Mudane Axmed Maxamed Maxamuud “Siilaayo” ayaa iyadda oo daboolaysa helida Buuggaagta Dugsiyada Hoose Dhexe iyo kan sare-ba waxay baahisay una bandhigtay bulshad Somaliland  in ay bixinayaan Qandaraas ah daabacaada Manhajka Waxbarashadda Dalka waxaana u tartamay Shan Shirkadood, guddi loo saarray arrimaha baahinta Qadaraaskan iyo Shuruudahii lagu xidhay tartamayaasha ayaa waxaa buuxiyay shirkadda Hema-Books.

Shirkaddan ayaa markii ay ku guulaysatay Mashruucan Ardaydu baahida wayn u qabtay ee ah in la helo buuggaag gaadha waddanka oo dhan ayaa waxaa shuruud ahaan ay Wasaaradda Waxbarashadu ku xidhay in shirkadda Hema-Books mar haddii ay ku guulaysatay Mashruucan loo baahan yahay in ay Dalka keenaan Buugaag gaadhaysa illaa Hal Milyan iyo Badh Buuggaag ah si loo gaadhsiiyo Ardayda dalka oo dhan inta aanu dhamaan sannadka 2016-ka.

Shirkaddan Hema-Books iyada oo ka dharagsan dalabka baahida buuggaageed waxaa ay markiiba Heshiis la gashay Madbacad ku taalla Magaalada Dubai, taas oo daabacday bilowga Buuggaagta ay daabacaadooda ku guulaysatay Hema- Books.

La soco qaybo kale iyo doorka ay shirkadda Hema- Books ay ku leeday Tayayanta Manhajka Waxabarashada Dalka.

COMMENTS
Latest News