Hangoolnews.com
“Waanu Abaalmarinayna Ciidanka Asluubta Balligubadle,” Wasiir Caateeye Wasiirka Cadaalada Somaliland
April 14, 2018 - Written by Hangool News 1

Hangoolnews(Hargeysa):- Wasiirka wasaaradda Caddaaladda Somaliland mudane Cabdiqani Maxamuud Caateeye iyo wefti wasaaraddiisa ah ayaa gaadhay xarunta gobolka Hawd ee Balligubadle. Socdaalka wasiirka ayaa la xidhiidha xogogaal u noqoshada xaaladda caddaaladda ee gobolka iyo waaxda Asluubta.

Wasiirka ayaa ammaanay shaqaalaha caddaaladda siiba ciidamada Asluubta oo sameeyay wax qabad ku saabsan beer barwaaqowday xilligan roobabka gu’gu maansheeyaan gobolka, islamarkaana waxa uu ugu ballan qaaday abaalmarin ay ku mutaysteen wax qabadkooda.

Hangoolnews – Hargeysa Desk 

COMMENTS
Latest News