Hangoolnews.com
Guddoomiyaha Shaqaalaha Dawladda Somaliland Oo Amar Dul Dhigay Shaqaalaha Dawladda Somaliland
April 14, 2018 - Written by Hangool News 1

Hangoolnews(Hargeysa):- Guddoomiyaha ha’ayadda shaqaalaha dawladda Somaliland Sharma’arke Axmed Muxumed Geelle oo maanta warbaahinta la hadalay  wuxuu farriin adag u direy dhammaan shaqaalaha Somaliland.

Guddoomiye Sharma’arke waxa uu shaqaale waynaha Somaliland u soo jeediyey in haddiiba ay khalad galaan aanay warbaahinta iyaga iyo amaamulkoodu hadalo isku marin ee ay yimaadaanm ha’ayadda shaqaalaha dawladda oo iyadu kala daari doonto.
“…haddiiba ay dhacdo qadaf, qalad iyo qoonsi oo wuxuun aad tirsato, ha’ayaddbaa jirta ee ha’ayadda u kaalay umaddaada u waran, uma baahnid shacab wax kaa sugaya in aad wax u qabato in ay dhiiladaada iyo dhawaaqaagu gaadho..” ayuu yidhi Sharma’arke Geelle.

Dhanka kale Sharma’arke waxa uu amar duldhigay shaqaalaha dawladda Somaliland iyo maamulkooda kaasi oo ku aadan in aanay hadalo isku weydaarsadaan warbaahinta, waxaanu tilmaamay in laga quruxbadan yahay arrinkaasi.  Isaga oo hadalkiisa sii watana wuxuu yidhi “…waa mamnuuc in shaqaaluhu iyo maamulkuba warbaahinta warbaahinta iskala hadlaan…”.

Sharma’arke Geelle waxa kale oo timaamay in uu jiro xeer dhowrsan oo ka hadlaya khilaafka soo kala dhex gala shaqaalaha dawladda iyo maamulkaba isla markaasina ay digreeto madaxwayne ka taalo arrintani ah in shaqaalaha iyo maamulkuba hadalo isku mariyaan qeybaha kala duwan ee warbaahinta.

Ugu danbeyntiina dhawaan ayay ahayd markii shaqaalaha wasaaradda warfaafinta Somaliland iyo wasiirka wasaaraddaasi Guri-barwaaqo uu khilaaf dhanka shaqada wasaaradda ahi soo kala dhex galay taasi oo keentay in in muddo ah warbaahinta hadalo ay isku mariyaan wasiirka iyo shaqaalaha wasaaradda qeybo ka mid ah. Hadalkan guddoomiyaha ha’ayadda shaqaalaha ayaa ku soo beegmay xilli dhexdhexaadin iyo xal u raadin khilaafka ka dhex jira qaar kamid ah wasaaradda warfaafinta iyo wasiirka wasaaraddaasi lagu guddo jiro.

Hangoolnews – Hargeysa, Desk 

Xigasho: Barigaafrikanews

COMMENTS
Latest News