Hangoolnews.com
Daawo: “Xoghayuhu Dagaal Buu Xisbiga Ku Soo Qaaday,” Cabdiraxmaan Cirro
April 14, 2018 - Written by Hangool News 1

Hangoolnews(Hargeysa):- Shir ballaadhan oo ay saaka iskugu yimaadeen guddida fulinta ee Xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI, ayaa waxa ay cod gacan taag ah ku ansaxiyeen in ay xilkii Xoghayenimo ay ka qaadeen Xoghayhii guud ee Xisbigaasi Md.Maxamed Cabdillaahi Uurcadde, iyaga oo sida oo kalena ku eedeeyey in uu jebiyey shuruucdii iyo xeerarkii u yaalay Xisbigaasi.

Guddoomiyaha xisbiga Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa sheegay in Mr Uurcadde fidno kala dhexdhigayay beelo ka mid ah dalka iyo xisbiga, islamarkaana isku dirayay siyaasiyiinta xisbiga. Waxa uu sheegay in uu ka hor yimid midnimada xisbiga iyo wada jirkiisa, islamarkaana uu galiyay shaki in xisbigu guulaysan doono mustaqbalka.

Dr Cirro ayaa hadalkiisa laga arkayay in uu durayay daacadnimada Uurcadde isaga oo sheegay in uu ka soo horjeestay go’aamo xisbigu gaadhay oo ay ka mid tahay arrimaha Saldhigga Berbera oo Waddani diiday laakiin, uu Uurcadde soo dhaweeyay.

Halkan ka daawo muuqaalka 

 

 

 

Hangoolnews – Hargeysa, Desk

COMMENTS
Latest News