Hangoolnews.com
Daawo: Tacadiga Maayirka Caasimadda Iyo Cabashada Dadka Danyarta Ah
April 13, 2018 - Written by Hangool News 1

Hangoolnews(Hargeysa):- Hooyo waayeel ah oo ku nool caasimadda Hargeysa ayaa sheegtay inay tacaddi kala kulantay maayirka caasimadda Cabdiraxmaan Soltelco, waxaanay sheegtay inuu ka qaadayo dhul ay sharci u haysato, cashuurna ka bixin jirtay.

Maayirka caasimadda Hargeysa waxa muddooyinkii u danbeeyey cabashooyin uga imanayeen bulshada ku dhaqan caasimadda gaar ahaan kuwooda danyarta ah. Dadkani ka cabanaya maayirka caasimadda waxay sheegeen in  dhul ay sharciyo u haystaan uu ka qaadaayo isaga oo u awood sheegayana. Sidoo kale dhawaan ayay ahayd markii qaar kamid ah mulkiilayaasha guri ku yaal magaalada Hargeysa ay baaq adag u direen madaxwaynaha Somaliland kadib markii uu maayirku joojiyey dhismaha gurigooda.

Duqa Caasimadda Solteco marnaba kama uusan hadlin cabashooyinka culus ee bulshada qeybaheeda adag uga imanaya.

Halkan ka daawo muuqalka hooyada waayeelka ah ee ka cabanays maayirka caasimadda 

 

 

 

Hangoolnews – Hargeysa Desk

 

COMMENTS
Latest News