Hangoolnews.com
Daawo: Qabanqaabada Shir Waynaha Beelaha Garxajis Oo Gebo-gebo Ku Dhow Iyo Goorta Uu Dhacaayo
April 13, 2018 - Written by Hangool News 1

Hangoolnews(Hargeysa):- Shirwaynaha beelaha garxajis oo muddooyinkii u danbeeyey ay socotay qabanqaabadiisu ayaa hadda ku dhow mid gabo gabo ah.

Shirwaynahan ayaa loo qoondeeyey in uu ka dhaco buurta gacan libaax oo ku taala gobolka Saaxil. Maamulka shirkanni oo dhawaan warbaahinta la hadlay in shirkaasi yahay mid nabaddeed isla markaasina ay beeshu kaga arrinsanayso hawlaheeda bal se geeska kale waxa soo baxaya warar sheegaya in xukuumadda Somaliland ku hawlan tahay sidii shirkaasi u wiiqmi lahaa isla markaasina u baaqan lahaa.

shirkanni ayaa dhacay 15. 4. 2018 sida ay sheegeen maamulka qabanqaabada shirkaasi.

Sawirraddani waa kuwo laga soo qaaday goobta loo asteeyey shirka beelaha garxajis

COMMENTS
Latest News