Hangoolnews.com
“Aduun Aragayga Siyaasadeed Ee Kooban”
April 1, 2018 - Written by Hangool News 1

Jeegaanta marka la qeexayo macnaheedda ujeedada ay nuxur ahan ka turjumaysaa waxa weeyaan is bahaysi dhex marra dad yow ku bahooba is gaashaan-buuraysi daneed oo ay iskagga xigtaysteen dad yaw kale oo aanay iskaga xigin dhiig ahaan iyo abtirsiimo ahaan . Inta badana Is-bahaysiyadda waxaa sal-dhig u ahh xeer iyo dan hassa yeeshee kuma salaysan dhiig iyo abtirsiimo .

– Noocyadda Is bahaysigga .

Is bahaysiyaddu waxay u samaysmaan labba nooc oo kala ah :- mid gooreed oo aan joogto ahayn , kaasoo la isu xulufaysto gaadhista mawduuc xiligaas taagan iyo mid guud oo aan lahayn ujeeddo qeexan hassa yeeshee nuxurkiisu yahay awood

isku biirin iyo is kaasho joogto ah .

Taariikhda isbahaysigga .

Haddii aynu dib ugu yara noqono taariikhda is bahaysi waxaa ugu horeeyey beesha dhexe ee Somaliland is bahaysigga la baxay Ciidagale , kaasoo badhtimihii qarnigii 17 aad ay ku bahoobeen magaca Ciidan-gale beelaha , Daa’uud Garxasjis , Arab sheekh isaxaaq , Ayuub iyo Isaxaaq carre , is bahaysigaasina wuxuu jirey sidda aan taariikhda ku helay muddo ku dhaw hal qarni .

Is bahaysigga 2aad . Suula-gudub . magaca soola-gudub waxaa ku bahoobay , Beelaha Haashin Abokor ( Arab) iyo Qaasin Isaxaaq , kuwaasoo magacan la baxay isla markaana samaystay dan-wadaag ay cid walba iskaga xigtaystaan , sidaan taariikhda ku heleyna , isbahaysigani wuxuu jiray muddo ka badan labba qarni .

Isbahaysigga 3 aad . Gaashaan-buur . Gaashaan-buur waxaa ku bahoobay , beelaha Xaamud mataan , Rooble Mataan iyo Baho Aadan , waana dalad ay ku kulmaan beelaha Reer Mataan ee Ciidagale marka lagga reebo , Dhamal Aadan , gaashaanbuurtaasina waa ugu cimrigga dheer taariikhda waxaanay jirtaa muddo ku sima 300 boqol oo sanno , welina waa sideeddii .

Dan-wadaago , iyana waa isbahaysi ay kulmaan ardaayadda , Abrayn , Gurux , Xasan Jibriil iyo Fiqi wacays oo ka tirsan dhamaantood beelaha Aadan ciise ee ciise muuse , isbahaysigaas inkastoo aanan helin inta uu jirey , waa isbahaysig jirra oo weli shaqeeya .

Siyaasadda iyo Isbahaysigga .

Siyaasadda , siyaasadda waxaa laggu qeexaa inay tahay wixii suurta gala amaba suurta geli karra , sidaa darteed si loo gaadho yoolka siyaasadeed ee xisbi ama qofaf ay leeyihiin waxaa qasaba in la hello dariiqii yoolkaas laggu gaadhi lahaa , sidaa darteed , kol haddii biriijka danta iyo aragtidda isku xidhayaa noqday cod , waxaa lagama maarmaan noqotay samaynta isbahaysi siyaasadeed oo laggu gaadho ujeedooyinka loo socdo .

Somali land cusub .

Tan iyo aasaaskii axsaabta Somaliland 2001 , waxaa muuqatay isla jaanqaadka ay isla saanqaadayeen hab-dhaqan bulsheedka bulsho ee somaliland iyo siyaasiyadda cusub ee axsaabtu , waxaanay kasoo bilaabantay aasaaskii xisbigii Udub .

Xisbigga Udub oo uu aasaasay M I Cigaal oo ahaa ruug-caddaa siyaasadeed , wuxuu dhisay xisbigii udub oo ku fadhiyey labba kaabadood oo culus kuwaasoo kala ahaa :-

– Muuqaalka midnimadda umadda somaliland iyo dhismihii dawladnimadda ( Aasaasihii baynu nahay , aabaha soomalilan , xisbigga udub baynu nahay ) .

– Habar awal+ Habar yoonis + samaroon .( Cigaal , Riyaale iyo Dr Cabdi awdaahir )

Labadan shaxood waxay si fiican u shaqeeyeen doorashadii 2003 , waxaana la odhan karaa saamayntii M I Cigaal ayaa sabab u ahayd shaqaynta shax-siyaasadeedkan .

– Kulmiye , isna wuxuu ku dhisnaa labba aragtiyood .

– Muuqaalka halgankii snm iyo xasuusta mujaahidiintii soo halgamay .

– Habar-jeclo +Sacad muuse + Arab .

shaxdanina waxay si fiican u shaqaysay doorashadii 2003 , iyadoo la odhan karro qaybo ka midda waxaa suurta geliyey dhimashadii kadiska ahayd ee Madaxwayne Cigaal .

Dheeligii miisaanka .

– Doorashadii dhacday 2010 , waxaa dheeliyay miisaankii siyaasadeed , waxaana sabab u ahaa , kacdoon umadeede oo ku salaysnaa saluugga xukuumaddii waqtigaas jirtay oo waxtarkeedda lagga dayriyey .

– Xisbigga Kulmiye oo ku guulaystay in uu hoos u dhigo aragtidda ku salaysan unug dhismeedkiisa hoose , isla markaana xoogga saaray , difaaca danta guud iyo u dagaalkanka nidaamka dawladnimo .

– Xisbigga udub oo ku guuldaraystay in uu la jaanqaado waaqaca cusub , doorashadana ku galay shax siyaasadeedkiisii horre ee 2003 , taasoo dhalisay kacdoon Isaaqaysan oo xakamayntiisa faraha lagaga gubtay .

Doorashaddii 2017 , Doorashaddii dhacday sanadkii horre , xisbigga Kulmiye wuxuu doorashadda ku galay 3 aragtiyood oo is kaabaya , kuwaasoo kala ahaa .

– Saamaynta xukuumadda iyo fursadaha Xisbul xaakimka .

– muujinta iyo buun-buuninta hawl-qabadkii xukuumadii Kulmiye ee 2010-2017 .

– Dhismaha isbahaysigga Habar awal+ Habar jeclo oo xisbigga u noqday difaac adag ( Power Base ) .

– Xisbigga Waddani . Doorashadani waxay ahayd doorashadii ugu horaysay ee xisbigu ka qayb gallo , sidaa darteed may jirin waayo aragnimo xiliyeed oo xisbigani lahaa , sidaa darteed waxay ku ahayd qarba qarbe .

– Aragtidda isbal-doonka , xisbigga waxaa laf dhabar u ahaa isbadal doon , hassa yeeshee aragtidan is badal doon waxaa hor is taagay saamaynta jilayaasha is badal doonka oo u batay xubno lasoo shaqeeyey xukuumadihii horre , taasoo loo fahmay in jilayaasha iyo aragtidu kala duwan yihiin .

– Bah-wayn iyo is balaadhin ( Holistic approach) Xisbiggu wuxuu ku galay doorashada is balaadhin ku salaysan isku baahinta aagaga guud ee doorashadda , taasina waxay keentay waayista xisbigu waayey gun-dhig taageero oo uu ku meelmaro ( Losing of power base ) .

Maanta iyo saaxadda .

Xisbigani si uu uga soo koobto guuldarada siyaasadeed ee soo gaadhay wuxu u baahan yahay .

– Curinta aragti siyaasadeed qeexan oo la fahmo karro .

– Qaabaynta Haayadaha xisbigga iyo hufista hawl-wadeenada , si loo hello isla jaanqaad aragti iyo haayadeed oo si haboon isula fal geli karra .

– dhismaha isbahaysi siyaasadeed oo gun-dhig u noqda taageeradda xisbiga , kuwaasoo xisbiga u sahli karra in uu yeesho Raasamaal la isku halayn karro .

W/Q: Ahmed Nour Guruje

 

COMMENTS
Latest News