Hangoolnews.com
Daawo: “Dawladda Maanta Joogta Iyo Dawladdii Ka Horraysay Labaduba Waxa Ay….” Shirkadda Telesom Oo Eedaymo Culus U Soo Jeedisay Labadii Xukuumadood Siilaanyo Iyo Muuse Biixi
March 13, 2018 - Written by Hangool News 1

Hangoolnews:- Maxamed Yuusuf Cali Alloore oo ka mid ah madaxda shirkadda TELESOM oo warbaahinta Hargeysa kula hadlay ayaa sheegay in Xukuumaddihii kala danbeeyay ee KULMIYE waa Xukuumaddii Siilanyo iyo tan maanta ee madaxweyne Muuse Biixi ay curyaamiyeen ganacsigooda.
Dhibaatooyinka uu sheegay waxa ugu waa weyn in Xadhiga Feber Obtic ee Internet-ka xanbaara oo ay Badda soo gaadhsiiyeen loo diiday in Berri ay keenaan kaas oo Kooto loogu xidhay sida sheegeen Shirkadda Somcable.
Waxa kale oo uu sheegay in Laydhka (korontada) shirkaddaasina la cunaqabateeyay oo loo diiday in ay fidiyaan iyadoo Kooto loogu xidhay shirkadda SOM Power.
Halkan hoose ka DAAWO muuqaalka warkaa

COMMENTS
Latest News