Hangoolnews.com
“PSG Waa Tagtay, Waana Ilownay” Zinedine Zidane Oo Saxaafadda La Wadaagay Shaqadda Ay Tahay Inuu Hadda Si Weyn Kaga Fakaro.
March 9, 2018 - Written by Hangool News 1

Real Madrid waxey todobaadkaan dhamaadka ah qaadatay waqti qurux badan markii ay ka takhalustay Paris Saint Germain, waxeyna iska xaadiriyeen durba wareega quarter final-ka tartanka Champions League.

Sidaas darteed Zinedine Zidane wuxuu durba ka dhawaajiyay iney wiilashiisa hadda kaliya diiradda saaraan kulanka Eibar ee soo aadan, wuxuuna diiday inuu waxyar uun kasii hadlo arrimaha ku saabsan kooxda dalkiisa kasoo jeeda ee PSG.

Real Madrid rajadooda La Liga waa mid taalla salka hoose, walow aan tartankeeda meesha laga saari karin inta ay xisaab ahaan suuragalka u tahay, hadana waxey la ciyaari doonaan todobaadka berito bilaabanaya Eibar.

“Paris Saint Germarin waa tagtay, waana ilownay” ayuu yiri Zinedine Zidane.

“Dareenkeenna oo idil iyo dagaalkeenna waxaan u weecinay Eibar” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Macalinka reer France wuxuu ogyahay iney ka sibxadeen tartanka La Liga, balse laguma yaqaanno shaqsi is dhiiba ilaa daqiiqadda ugu dambeysay, waxeyna kooxdiisa sadexda kulan ee soo aadan la ciyaari doonaan Eibar, Girona iyo Las Palmas ka hor inta aysan ciyaarin Champions League wareegiisa quarter final-ka.

COMMENTS
Latest News