Hangoolnews.com
Nasashada jimcaha:- “aniga waad I taqaanaan ismaan lahayn haweenka ka dhex hanjab ee maxamed cali bille ayaa igu yidhi…..” madaxwayne muuse biixi
March 9, 2018 - Written by Hangool News 1

Hangoolnews:- Niman odoyaala oo ay muddo dheer saaxiib ahaayeen madaxwaynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa waxaa ay waydiiyeen Mudane Madaxwayne Shalayto khubad-qiiro leh ayaad jeedisay anaguna  dhibtii Waddankan loo soo maray waanu ogayn ee maxaad Golaha Wasiiradda ama Labada Golle Baarlamaan  dhexdooda ugu jeedin wayday,

Muuse Biixi:- Horta Niman-yahaw barigii shiish iyo khaakh  ayaa isugu-keen dambaysay idina waad I taqaanaanoo maalinta Colaada Haweenka lama Barooran jirin ee Aqaan-yahanka ayaa igu yidhi maalintaas la eego.

Asxaabtiisii:- Madaxwayne Aqoon-yahanku ma maalintaasuu maamulaa?

Muuse Biixi:- Dhaga oo miyaydaan garanayn Inankan mudda dheer Qaramada Midoobay ka soo shaqaynayay.

Asxaabtiisii:-  Madaxwayne Jibadda ayaa ku qaadee Calankii lagu huwiyay waxii hayad macageeda ku qornaa ma arkaysay?

Muuse Biixi:-  Dee Markii aan magacaabayay arrimahii aan Dastuurka Waafajiyay ayay ka mid ahayd-ba

Asxaabtiisii:- Inanka Magacii

Muuse Biixi:- Aqoon-yahan, Mutafaq Maxamed Cali Bille.

FG:-

Kani Waa Barnaamij Jimce Kasta aanu idiinla wadaagi doono anagoo ku eegayna hadba arrimaha  taagan Todobaadkaasi, mana ahaa wax run ah.

Hangoolnews:- Afeef maha Xaqiiq Barnaaminkan kooban  ee Nasashada Jimcahu  waase madadaalo.

Hangoolnews/Staff

 

COMMENTS
Latest News