Hangoolnews.com
Dorasho Waxay Ku Qabsomi Karta Hadi La Helo Laba Qodob
March 9, 2018 - Written by Hangool News 1

Somaalidu waxay ku maahmaahda hal xaarani nirig xalaala ma dhasho, korneeyl muse bixi oo aynu ognahay sidu Ku yimi, doorasho noo qabo ninka lihi ma musaanu aqoon? Muxuu Ku aamiinaya? Mida kale

Sidaas awgeed anigu waxaan talo ahaan Ku talinaya laba qodob oo aan u arko iney yihiin danta shacabka Somaliland Iyo danta dorasho dumuqradiya oo xor Iyo xalaala in lagu gaadhi karo, waxaaney yihiin labada qodobKumishankeynu oogeyn aya doorasho xor Iyo xalaala qabanaya xasha xasha wa waxaan caqiliga saliimka ahi qaadan karin.

1. In la badalo dhamaan todobada xubnood ee Gudida doorashada.

2. In wax  laga badalo qaabka lagu so xulo todobada xubnood ee Gudida dorashada.

Labada qodob hadii la helo waxa suuro gal ah ineynu qabsano dorasho u dhow cadaalad Iyo xor, hadii aan labada qodob la  helin waxaynu khatar ugu jirna xaga dorashada Somaliland iney waxood xilka laha Ku kici donaan, afkana waxaaynu ugu dhici doona kooxa tirada yar ee Ku bahoobey boobka siyaasada,dhaqaalaha Iyo xaalufinta kheeyraadka dalka, sidaas darteed xalku wa

Xalka

•Todobada xubnood ee Gudida dorashada oo la badalo

•Todobada xubnood ee Gudida dorashada oo lagu so doorto tirada xosbiyada Somaliland oo xusbi waliba laba xubnood keeno xubinta hadheyna lagu sharfo in madaxweynuhu so magacaabo, guurtida mudo dhaaftey mesha ka baxdo, taasi waxay suuro gal ka dhigi karta qabsoomida dorasho lagu kalsonaan karo. Hadii kale wa in shacabka Somaliland Ku gacanseydhan iyado aan xalka la sameeyn in dorasho ka dhacdo Somaliland.

Alla Mahad leh

Qalinkii: Khadar Kaariye Cune

kkaariye05@gmail.com

 

COMMENTS
Latest News