Hangoolnews.com
Deg-Deg: Jaamacadda Carabta Oo War Ka Soo Saartay Heshiiska Maalgashiga Dekedda Berbera
March 9, 2018 - Written by Hangool

Hangoolnews:-Ururka Jaamacadda carabta ayaa ka jawaabay dacwad ay u gudbisay dawladda Somalia taasoo ka dhan ahayd heshiiska dekedda Berbera ee u dhexeeya Xukuumadda Somaliland, Imaaraadka iyo dawladda Itoobiya.

Bayaan ka soo baxay Jaamacada Carabta oo ka koobnaa Afar qodob ayaa waxaa ugu horeyn lagu soo dhoweeyay Wadahadalkii kol hore u bilowday dowladda Somalia iyo Xukuumadda  Somaliland, waxayna ku boorisay labada dhinac in ay sii wadaan si xal looga gaaro arrimaha masiiriga ah ee ka dhexeeya.

Jaamacada Carabta ayaa bayaanka ay soo saartay ku sheegtay iney taageersan tahay howlgalada ay Somalia ka wadaan ciidamada Midowga Afrika ee dowlada federaalka ka taageeraya dhinaca soo celinta nabada & xasiloonida Soomaliya.

“Xuduudaha Dhulka, cirka iyo badda Somalia waxaa ka masuul ah dowlada federaalka, Ururka Jaamacada Carabtuna wuxuu ka digaya in fara gelin lagu sameeyo arrimaha Somalia nooc kasta oo ay tahay” ayaa lagu yidhi bayaanka ka soo baxay Jaamacadda Carabta.

Hase yeeshee hadalkan ka soo yeedhay jaamacadda Carabta ayaa u muuqda mid caalwaa ah oo aan waxba ka bedeli doonin qorshaha sherkadda DP World.

Xigasho/ barigaafrikanews.com

COMMENTS
Latest News