Hangoolnews.com
“Haddii Aad Walaalnimada, Jaarnimada Iyo Wanaagga Illaalin Waydaan Noogama Duwanidin Kaneecadaasi Maroodiga Isku Dul Taagtay….”..Marxuum Maxamed I. Cigaal
March 8, 2018 - Written by Hangool News 1

“Haddii Aad Walaalnimada, Jaarnimada Iyo Wanaagga Illaalin Waydaan Noogama Duwanidin Kaneecadaasi Maroodiga Isku Dul Taagtay….”..Marxuum Maxamed I. Cigaal

Madaxda reer Soomaliland maxaa u diiday qabkii iyo hiigsigii Marxuum Cigaal

“Haddii Aad Walaalnimada, Jaarnimada Iyo Wanaagga Illaalin Waydaan Noogama Duwanidin Kaneecadaasi Maroodiga Isku Dul Taagtay….”..Marxuum Maxamed I. Cigaal

Ilaa iyo intii ka danbaysay Xiligii uu Geeriyooday Geesigii waynaa ee Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal oo ahaa aasasihii Jamuuriyada Somaliland isla markaana budh dhigay dhamaan rukumada waaweyn ee dawladnimo ee Soomaliland oo ku qaadatay juhdi iyo dadaal uu sameeyey Marxuum Cigaal, waxa uu ku guulaystay intuu dib u  heshiisin u sameeyo beelihi reer somaliland  oo marka u kala qaybsanaa jabhad beeloodiyo,marxuum Cigaal waa uu  ku guulaystay inuu sameeyo nabad iyo kala dabayn uu ku taagay rukumo ad adag taas oo ay ilaa maanta caano maalayaan dadwaynaha jamuuriyada Soomaliland ilaa  cidhif

ka cidhif, nabadaas oo ay wali la tacaalayaan inay helaan koonfurta somaliya  iyadoo ay cadaan iyo madowba ku garabsiinayaan sugideeda,nabadaas oo marxuum Cigaal juhdi dheer uu galiyay isagoo shisheeye la kaashan, Waxa uu marxuum Cigaal ku guulaystay inuu sameeyo ciidan qaran oo ka kooban mid suga nabada iyo mid difaaca qaranka, waxa uu saameeyey calanka barakaysan ee Jamuuriyada Somaliland isagoo badalay calan ay hore u lahayd Jamuuriyada Somaliland oo uu ku badalay Calan leh sadex midab kuna dhex shaqlan tahay xidig Madow oo ay ku ladhantahay tawxiidka Islaamku, calankaas oo ka turjumaya maraaxiishii ay soo martay jamuuriyada barakaysan ee Soomaliland, midabka hoose ee casanka ah ee calanka Soomaliland waxa uu iftiiminaya halgankii iyo naftii loo soo hudhay jamuuriyada Soomaliland, midabaka cadaankaa oo ka turjumaya heshiisintii beelaha walaalaha ah  ee somaliland iyo xidigta dhexda kaga taala  ee madow oo iyadu ah gooni istugaa somaliland taas oo ah inay dhimatay baaditaankii  loogu jiray israaca shanta Soomaliyeed oo ay Shacbiga reer somaliland bilaa shuruuc dawlanimadoodi ugu geeyeen Moqidisho iyagoo baadi goob ugu jira in la helo shantii soomalilyeed,midabka cagaarka ah ee u saraysa calanka Jamuuriyada soomaliland oo iyadu ka turjumaysa barwaaqada iyo horumarka somaliland taas oo ay horseed u tahay diinta islaanka oo tawxiidku ku xardhan yahay.

Marxuum cigaal waxa kuu ku guulaystay inuu sameeyo wixii dawladnino u aasas ahayd oo ay ka kow tahay dastuurka qaranka jamuuriyada soomaliland iyo habka dimuqraadiga ah oo uu sameeyey xisbi qaran ee ugu horeeyey kaas oo la odhan jiray UDUB, Marxuun Cigaal waxa uu lahaa hiigsi iyo han ka fog, hamiga iyo hiigsiga siyaasiga maanta  hogaaminaaya Soomaliland intii uu isagu geeriyooday,waxa uu doonayay in uu saxo wixii shalay ka lumay umadiisa ee lagu khalday,waxa uu arkayaayey hababka uu ku sixi karo oo isago u muuqday taasina waxay ku tusaysaa in Marxuum Cigaal fahansanaa cidii u danaa iyo cidii u cadow ah Jamuuriyada Soomaliland isla markiiba safar uu ku tagay Jabuuti Marxuum Cigaal waxa uu si cad farta ugu fiiqay bulshada Reer Soomaliland in cadowgood reer soomaliland aanuba ka fogayn ee ay tahay Dawlada jabuuti iyo ismaaciil Cumar Geel bal aan akhristoow kuu soo gudbiyo sabaha uu Marxuum Cigaal dawlada jabuuti ku arkay.

Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal oo safar shaqo ku tagay dabayaaqadii 1997 Wadanka Jabuuti waxa uu kala kulmay quudhsi iyo iyaga oo ka hor joogsaday shir uu doonayay in uu halkaasi kaga qayb galo. Markii Marxuum Cigaal dalka dib ugu soo laabtay waxa uu maalmo kadib dadweynaha kala hadlay khayriyada isaga oo yidhi: “Kaneeco ayaa maroodi isku dul taagtay, Markaasi ayay tidhi Maroodiyaw waan kaa dul duulayaaye isxaji, Muxuu ka ogyahay Xili ay ka dul duushay iyo xilli ay ku soo dul tagtay, Jabuuti waxaanu leenahay, Haddii aad walaalnimada, jaarnimada iyo wanaagga illaalin waydaan Noogama Duwanidin Kaneecadaasi Maroodi Isku Dul Taagtay”. Ayuu yidhi Marxuum Cigaal. Wakhtiyadaasi mar kale dawladda Jabuuti waxa ay xidhay xadka ay la wadaagto Somaliland waxaanu Marxuum Madaxweyne Cigaal kaga jawaabay mar ay BBC-du waraysatay sidan: “Haddii ay xadka xidheen annana waxaanu xidhnay badda iyo cirkaba”. Waxa ay ahayd go’aamo geesinimo oo aan habrasho lahayn.
Markii uu Madaxweyne Cigaal Geeriyooday xidhiidhka labada waddan oo aad u xumaa waxa ay xukuumadda Jabuuti soo dirtay wafti doonayay in ay ka qayb galaan aaska Marxuum Cigaal balse waxa hawada ka celiyay diyaaraddaasi oo diiday in ay waftigaasi dalka soo galaan Madaxweyne Rayaale oo xilka uga dambeeyey Marxuum Cigaal. Siyaasadda Jabuuti ee Somaliland ku aaddani kadib xukunkii Xasan Guuleed, waabu ka sii daray oo Ismaaciil Cumar Geelle mudada uu xilka hayay waxa uu Somaliland kula dhaqmaa laba wajiilayn iyada oo Somaliland aanay wali lahayn istaraatiijiyad cad oo ay ku qaabilayso xidhiidhka dalkasi Jabuuti.

4 Qodob Oo Ay Salka Ku Hayso Cadaawadda Jabuuti U Hayso Somaliland: 
1. Jabuuti waa dal yar oo aan dhaqaale la sheego ama buuran aan lahayn. Dhaqaalaha Jabuuti waxa uu ku xidhan yahay waa adeegga (Service) ay qabato dekaddoodu.Waxaanay aaminsan yihiin in haddii Somaliland ay noqoto dawlad muctarifa, in ay tartan adag la gelayso dekadda Jabuuti taasina ay saamayn taban ku keeni doonto xoogaaga yar ee ka soo gala halkaa.
2. Jabuuti waa dal aan lahayn khayraadka dabiiciga ah ee ilaahay dhulka ku mannaystay. Ma haystaan biyo macaan oo ku filan. Waxa ay isticmaalaan dhawr ceel- biyood oo dawladda Itoobiya ka iibiso. M/weynaha Jabuuti, waxa uu tuur iyo tarbiico isugu yeelaa in Seylac iyo aagagga u dhow xuduudka ay wadaagaan Somaliland iyo Jabuuti oo ah deegaan biyo macaan ilaahay ku abuuray, in ay ka qotaan biyaha maamulka iyo lahaanshaha dhulkaana Jabuuti lagu soo wareejiyo.
3. Waxa jira qodob kale oo odhanaya in xilligii nidaamkii daaquutka ahaa ee Siyaad Barre hogaaminayay,uu ugu ballan qaaday M/weynihii Jabuuti ee xilligaa Xasan Guulleed Abti-doon, isaga oo ku xodxodanaya bal in ay mar uun maamulkiisii uu hoos keeno, in uu siinayo ceel shidaal ah oo ku yaalla magaalada Seylac. Dawladda Jabuuti weli way daba socotaa arrinkaa mar kastana waxa ay ku xisaabtamaysaa hanta shidaal oo laga soo saaro xeebaha gobolka Salal ee Somaliland.
4. Nidaamka Dimuquraadiga ah ee ka hana qaaday dalka Somaliland waxa uu walaac ku yahay nidaamka maamul ee dalkaasi Jabuuti oo uu haysto hogaamiye keli-talis ah oo dastuurkii waddankiisa badalay kana dhigay shaadh isagu uu tashay. Mr. Geelle,waxa uu isha ku hayaa nidaamka siyaasadeed ee dimuqraadiga ah ee ka hanaqaaday Somalilaan, kaas oo warwar weyn ku haya maadaama labada shacab is dhex degan yihiin. In dadka reer Jabuuti ay saamayso xorriyadda ay haystaan shacabka, siyaasiyiinta mucaaridka ah iyo saxaafadda Somaliland. Taasoo ku keeni karta kacdoon siyaasadeed oo dalka gudihiisa kaga furma. Iyadoo imikaba la og yahay in uu dastuurkii wax ka badalay,muwaadiniin badana ka eryay waddankiisa.

Hadaba  iyadoo dawlada Jabuuti ay Marxuum Cigaal meel xun kala taagnaayeen buu qadarkii Alle u yimi marxuumka taas oo markuu marxuum Cigaal waxyar sii mootana uu Madaxweyne Rayaale booqosho ku tagay dalka Jabuuti, waxay u noqotay Ismaacil Cumar Geele iyo cadowgii doonayey inay hagar daameeyaan Soomaliland fursad, waxa uu Ismaaciil cumar Geel si cad u tusay madaxdii reer soomaliland cadowtinimo toos ah isagoo dib heshiisin ugu sameeyey jabuuti kooxihii xamar isku haystay, waxaanu si toosa ugu daawanay inuu ka qayb galo  madaxweynayaasha ay barlamaanka kabkabka ah ee koofuri ku doorato moqdisho in uu ka qab galo caleemo saarkooda, isagoo aan haba yaraate  ka soo qabgalin ama hanbaloyo ayaa ugu  yaree u soo dirin Madaxweynayaashii ay shacabka reer somaliland codkooda ku soo doorten iyagoo madaxda moqdisho iyagu hanbalyo u soo diraan markay ka adkaysan kari waayaan xaqiiqada dhabtaa ee ka jirta Jamuuriyada Soomaliland,

Guntii iyo gabogabadii, waxaan maqaalkayga ku soo koobi lahaa maxaa u diiday Madaxdeedna qabkii iyo hiigsigii uu kala marxuum Cigaal, hadaan si fudud uga jawaabo, marxuum cigaal waxa uu ahaa Siyaasi doonayay in uu ka tago magac iyo siyaasad ay raacaan jiilasha ka danbeeya oo nadiifa laakiin siyaasiga maanta jooga waa mid ka fakarayaa dano isaga u gaara ama koox u gaara, isla markaana waxa hamigiisa koowad yahay mid uu doonayo in uu ku hormariyo shaqsiyadiisa iyo mid gaareedba, taasina waxay u horseedaysaaa in uu ku lumiyo  karaamadiisa oo uu siisto aduunyo ama waxa u gaara oo uu siisto sharaftii qaranka uu madaxda u yahay, hadaba inta  in uu shakhsi sidaa u fakaraayo, ka talinaayo  dalkeenana,cadowgeenu waxa  uu inoo helayaa fursad uu inoogu aaso dibi daabyo.

 

 

Qore, Eng Faysal Cabdiraxman Muhumed

Bristol, UK

 

COMMENTS
Latest News