Hangoolnews.com
Xidhiidhka Ka Dhaxeeya Dhaqaalaha Wadan Iyo Korontada Uu Wadanku Isticmaalo.. Qalinkii Eng Mustapha mahamoud Hassan
February 22, 2018 - Written by Hangool News 1

Runtii manta waxan jecelahaystan in aan wax ka idhaado xidhiidhka ka dhexeeya dhaqalaha wadankeena iyo korontada aaynu isticmaalo qof kast aqoon iyo caqli lehi waxa uu ogsoonyahay   korontada ama energy in uu yahay lafdhabarka umadeed oo aan la, aan teed waxba kala socon kareen. runtii wax dhab ah in aay  korontadu tahay wax yalaha asasigaha  ee aan marna laga maarmi kareen, hadaba hadaynu  garanay in korontada iyo horumarka wadanku isku xidhanyihiin  sidee baynu u heli karnaa koronto jaban sidoo kalena  taayo lehe, oo cafimaad qabta oo dalka iyo dadkaba waxba yeelin ,hadaba  barmamusheenan waxaynu ku qaada dhigi doona  sidee u heli karnaa koronto jaban  xagee side ka heli karnaa ,  maxa ka dhexeeya horumarka

dhaqan dhaqaale ee wadanka iyo korontada wadanka, sidoo kale waxaynu   wax ka sheegi doona maxa ka qaldan koronto bixinta shirkadaha wadankeena, side loo  sixi karaa, maxa ka dhigay korontada wadankeena ta  aduunka ugu qaalisan hadana ugu tayada liidataha, hadaba waxa aan shaki ku jirin in wadankeena Somaliland ilahay ku maneeystay  khayraad dabeeciya oo farabadan oo aan aduunyadu inteeda badani haysan, hadaba intaanan u gelin xagee ka heli karnaa koronto jaban iyo sidee u heli karnaa waxan manta ka horeeysiinaya ina aynu wax iska weydiino maxa ka khldan qaabdhismeedka iyo fidiinta, qaybtinta dabka shirkada Somaliland hadiise wax ka khaldanyihiin side u sixi karnaa  hadaba aynu soo qadano qodobaka koobada ee barmamusheenan taxanaha inoo noqondoona

Waxa ka mid ah kuwan hoos ku qoran :1:waxa yaabaha ka khaldan qaab dhimeed ka Fidinta iyo Qaybinta Dabka shirkadaha Somaliland.

1. Tawarada ay u adeegsadaan Fidinta dabku ma-aha ku wii ku haboonaa waayo ma aha qaar awood uleh inay xejiyaan xadh ka ha saaran . Waana qaar gagaban intooda badani . Taas oo halis ugu jirta inay  Dabayshu ama roobku  ridaan.
2. Xadhkaha Dabka qaada oo aan siqiyaasan loo qorshaynin xadiga dabka ah ee uu qaadi karo , waa lays kaga xidhaa uu intooda badan iyadoon la xisaabin xadiga dab ah ee uu qadikaro . Taas oo keeni karta inuu xadi dab ah oo aala filayni somaro kadibn ay gubasho ka dhacdo .
3. Waxa halisku ah magalada Dabkan is dhix socda ee aan siqorshysan lodhigaynin ,tusale waxa aad arkaysaa labo dab oo laba shirkadood ka kala yimid oo is hoosmarya ama is dulmaraya oo sida walibana dab dhan 11kv ama waxa ka badan oo masafo yar isku jira . Taasi wxa ka dhalan kara inay isdanbeeyaan oo dab ka dhexdhasho .
4. Marka dabka laqaybinayo wxa aad arkaysaa iyadoo meel walb dabka laga talalayo oo aan la eegay haba yaratee waxa wadbaso ah( safate), taas oo aad arkayso iyadoo Birta dabka laga talaalyaa aany wxa Earthing System ah lahayn taasina ay keento Gubasho badan ooka dhaca guryaha ama meel kasta oo dabkasi lagu isticmaalo .

Hadiiba aynu o gaanay waxyalaha ka qaldan qaabdhismeedka iyo fidinta laydhka ee shirkada Somaliland waxa runtii  mihiim aha in aynu sheegno side loo sixirkaa  oo wadankeenu u noqonkaraa  mid korontadiisu  dalka iyo dadkuba ka nabad noqdaan, iyo sidii loogu soo celin laha  korontada wadanka halbeegi calamagi ah ee  wadan kasto aduunka ka mid ah isticmaalo runtii aniga waxan u arkaa korontada wadanku hada in aay khatar weyn ku tahay wadanka oo malin kasta  waxyeelo inaga soo gaadho hada anigu sidaa aan xalka u arkay ee lagu xalin karo waxyalaha ka khaldan korontada wadankee waa in la qaado qodobadan  hoos ku xusan:

1:waa in engineerada laydhka usameeyaan shax ku baasgaraysan cilmiga fidinta dabka iyada oo sida ugu haboon u sameeyaan si looga taxaadiro khadarta laydhka ee baahsan ee wadankeena , iyada oo qofwalba uu markhaati kayahay xadhkaha laydhka ee daadsan wadanka oo dhan

2: Waa inla  xadidaa dabka uu xadhig kastaa qaadi karon iyadoo la xisaabinaayo  si aan xadhina dab aanu qaadi karay loogu isticmaalin

3: Waa in loo sameeyaa  ama lagu xidhaa xadhiga dabka sida  qabka dabbaadada ,Matalan   guriga ama meherada , meel kasta oo dabka loo talaalayo  waa inay leedahay Earthing( kaas oo dabka said ka ah ugudbinaana dhulka )  kaas oo dabdabinaaya  dab kasta oo saa-is ah .

4: Waa in survey lagu sameeyo dhamaan transmission and distribution lineska

5: Waa in dhamaan meelaha suuqyada  lagu ganacsado  laga dhigaa underground distribution lines

La soco qaybta  labad:

Qalinkii    Eng Mustapha mahamoud Hassan

Email. Gpr.energy4@gmail.com

 

COMMENTS
Latest News