Hangoolnews.com
Emergency Medical Cases, Xaaladaha Caafimaadaro Ee Degdega : By Abdirashid Osman
February 22, 2018 - Written by Hangool News 1
Anoo sii tixraacaya maqaalkii ahaa SOMALILAND AMBULANCE DEPARTMENT ee qaybtiisa hore aan wiigii dhawaa kusoo bandhigay websiteska ,waxaan jecelahay maanta bal inaan waxyar ka taataabto xaaladaha xanuun ee lagu tilmaamo  kuwa degdega ama xaaladaha xanuun ama dhaawac ee u baahan in gurmad degdega laga gaysto oo wax laga qabto (medical emergency cases).
waxaa xusid mudan askhristow xanuun waloo qofka lasoo dersaa ama hayaarado ama ha  cuslaadee kolay qofkaa waa uun xaalad qofku uu jecelyahay inuu si degdega u helo gurmad caafimaad ,lakiin hadana sida aytahay marka dhowr xaaladood is barbar

dhigto waxay kala yeelanayaa ahamiyad ama kala horaysiin si wax looga qabto ,misaal ahaan qof ka cabanayaa (DIFFICALTY BREATHING) ama naqasku hayo sida xiiqda oo kale ama xataa xaalada wadna xanuunka oo yaduba qofka ku keeni karta inuu naqasku qabto oo uu heliwaayo oxgyen ku filan ,xaaladahaa lama barbardhigi karo sida qof madax xanuun hayo ama dhabar xanuun hayo hadiibay markaa ay dhacdo in dhowr xaaladood kulmaan oo gaadhiga caafimaadka degdega u baahan waxaa la isticmaalaa waxaynu soo sheegnay ama ( clasification scale ) oo ah in hadba xaaladuhu siday u kala culusyiin loo kala horaysiiyo yadoo la isticmaalayo (code ) caalamiyoo laysla yaqaano oo xaalad walba la siinayo kalar siday u kala culusyiin mtaal hadaan idin siiyo (GREEN COLOR waa xaaladaha fudud ,YELLOW guna waa xaaladaha dhexdhexaadkaa halka RED kalarku noqonayo xaaladaha culus ,mitaaal ahaan shil baabuur oo dhacay marka aad aragto oo dhaawac farabadani halkaa yaalo waxaa loogu horaysiinyaa qofka culus sida qof jajab badan qaba ama bowdada ka jabay ama madaxa dhaawac culusi ka muuqdo waa laga horaysiinayaa ka meel qudha ka jaban sida gacan ,sidoo kale qof loo arko marka u horaysee meeshaba la gaadho oo aan lahayn calaamado ku tusaya inuu qofkaasi noolyahay sida inaanu neefsanayn oo wadnuhuna shaqaynayn waxaa la xisaabiyaa xaalad dhimasho waxaana lasiiyaa kalar BLACK.
waxaa kaloo muhiima inaan xuso in yaga laftooda la tixgeliyo marka xaaladahan oo kale lala tacaalayo qofka GENDER kiisa gabadh ama nin ,da,da ma caruurbaa mise waa qofwayn oo da,a.
intaasi waa fikrad kooban oo aan ka bixiyey xaalada xanuun iyo dhaawac ee gurmad caafimaad ee degdega laga gaysan karo iyo sida loo kala saaro ama loo kala siiyo mudnaan waxka qabashadooda ,hadaba hadaan ugalo xaaladaha lagu tilmaamo xaalado xanuun oo degdega waxaan soo qaadanayaa dhowr xanuun iyo dhaawac oo aynu inbadan mujtamaceena ku aragno oo iminka inagu soo badanaya dhimashadana kor uqaada bulshadeena,waxaynu ogsoonahay in da,da dhimashada bulshada somaliyeed ee ay gu geeriyoodan tahay kuwa caalamka ugu hoosaysa (early age) taasoo lagu qiyaaso inta u dhaxaysa 40-50 hadaanay intaa kaba hoosaynba dabcan ajasha illaahay baahaya lakiin asbaabahu waxay la xidhiidhaan badiba mustawaha caafimaad ee aadka u hooseeya tasoo aynu wada ogsoonahay,waxaase taas aan barbardhigi karaa oo qosole in dowladaha sida dalka GERMANY IYO AUSTRALIA ka cabanayaa dad koodoo cimri dheerada kuwaasoo dhib kuhaya daryeelkoodu ..
 xaaladaha lagu tilmaami karo inay yihiin xaalado caafimaa ama dhawaac oo degdeg gurmada u baahan:
1- Acute chest pain ( myocardium infaction) waa wadna xanuunka ku soo boodkaa waana xaalad caafimaad daro oo degdega una baahan gurmad degdega in laga gaysto ,waxaanan odhankaraa aad bay ugu badantahay iminka bulshada somalilda wax yaalaha loo tirinayana keenisteedu waa qaab nololaadka bulshadeenoo is bedeshay fadhi badan ,xarako la,aan,xanuunada kaadi macaanka iyo dhiikarkoo inagu batay,cunto isu dheeli tiran oo aanay cunin,hilibka cas oo ay badsadaan iyo asbaabo kaloo badan sida dhaqanka isbaadhista oo aynaan aqoonba.
2- Unconcious : waa qofkoo la arko isagoo suuxsan yadoon markaa lagaran karin sababta keentay suuxdimaadkiisa ,xaaladaa arimo badan baa keeni kara waxaana ka mida (hypoglycemia ) sonkortoo si lama filaana uga dhacda qofka ,dhiiga bax badan baa keeni kara AMA DHAAWAC CULUSI HASOO GAADHO AMA GABADH UMUSHAY OO DHIIG BAXDAYBA HA AHAATEE.
3- Seizure attack ; waa qofka suuxdinta qaba ama lagu ogyahay ama si kedisaba ugu dhacda.
4- Stroke : waa xaalada aynu u naqaano faalitka xaaladaa caafimaad darona waxaan filayaa inay iminka bulshadeena aad ugu badantahay asbaabtuna way badantahay loo tiriyaa si toosiyo si dadbanba waana,xanuunada dhiikarka ,kaadi macaanka ,xanuunka kolistaroolka iyo asbaabo kaloo dadban sida sigaarka ,xarako la,aanta ,qaadka waa la odhan karaa.
5- Breating difficulty : waa xaalad qofka naqasku ku dhego xaalad xanuun how keento sida xiiqda ama mergashabee waana xaalad adag runtii oo u baahan in gurmad caafimaad oo degdega lala gaadho,waxaa xusid mudan akhristow in marka xanuunadaa degdega lala tacaalayo 3 shay lasiiyo mudnaanta ee qofkaa waa A ( airway) ama hawo mareenka ,B (breathing) inuu naqasku si wacan uga soo baxayo qofka ama ku filan,C ( CIRCULATION) ama xanuunada wadnaha la xidhiidha iyo halbowlayaasha dhiiga qaada ,ama dhaawac culus oo sababa dhiig bax (hemorrage).
Guntii iyo gabagabadii maantana intaasaan ku soo ururinayaa arinkan waayo waa maadad aad u balaadhan oon lagaga bogan karin maqaal iyo laba toona ,waxaanse isku deyayaa inaan  halkaa kasii wado si aan inta karaankayga iyo aqoontaydu gaadhsiisantahay bulshada ugu soo bandhigo arimahaa caafimaadka anoo ogsoon halka aynu ka taaganahay qaybtaa oo aad ugu hoosayno ,illahay baan ka baryayaa dhaamn bulshada somaliyeed inay caafimaad ku waarto heshana daryeel fiican .

abdirashid osman

abdirashidsmn@yahoo.com
duabi
00971506972985.

 

COMMENTS
Latest News