Hangoolnews.com
Cashuur Bixiye Xaqaaga Ogoow!!!!! W/Q Maxamed Sidiiq Dhame
February 22, 2018 - Written by Hangool News 1

Mafiiqda qaata oo jidadka xaadha, cashuurta aynu bixinnana hallagu qayilo, Maayarka iyo midhadh kale haku barjeeyaan is qaban mayso gacallayaal. Baraaruga la doonayaa waa mid ah xisaabtan iyo in aan ogaanno cashuurata aynu bixinna halka ay gasho. Calaalacal iyo cataab looma baahna, marka cashuurteenna meel lagu sheego ayaynu innana muwaadin ahaan iskaa wax u qabso bilaabayna oo sarakacaynaa.

Biyo ma haysanno, caafimaad ma haysanno, koranto jaban ma helno, jidad nadiifa oo dayactiran ma marro, waxbarasho tayo leh oo bilaasha ma haysanno, daryeel bulsho

iyo dadaal dawladnimo muuqdaa ma jiro. Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay xaquuq muwaadin iyo dawladnimo dammaanad qaada noloshiisa iyo mustaqbalkiisa qof ahaaneed.

Dhan kasta adeegyada aasaasiga ah ee bulshadu way dunsan yihiin, dawladnimadeenuna maaha mid kortay oo ka jaawabi karta baahiyaha bulsho jira maanta. Bilicda iyo baaxada magaalada ee muuqata waa dadaal shacab horumarka jecel, balse aan haysan qorshe iyo siyaasad cad oo jihaysan. Muddada soomaalilaan aasaasnayd waxa is bedelayay horor aan dhiillahoodu buuxsamin.

 

COMMENTS
Latest News