Hangoolnews.com
Akhri/Daawo:- Madaxwayne Muuse Biixi Oo Bilaabay Boos Ka Riixis Xoogan Oo Uu Ku Hayo Masuul Uu Xil U Magacaabay
February 22, 2018 - Written by Hangool News 1

Hangoolnews:- Madaxwaynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa Boos ka riis ku bilaabay Af-hayeenkii Madaxtooyada ee uu dhawaan u magacaabay Maxamuud Warsame Jaamac waxaana Madaxtooyada dhexdeeda ka bilaabay isficishi sidda ka muuqata magacaabis uu maanta sameeyay madaxwayne Biixi,

Boga xafiiska warbaahinta ee Face-booga afhayeenka madaxtooyada ayaa lagu baahiyay Dagreeto uu ku saxeexan yahay Madaxwaynahu halka isla markiiba uu isna dhankiisa Waa Af-hayeenka Madaxtooyaduye uu markiiba uu iska soo duubay isaga oo akhiraya Warsaxaafadeedkaasi.

Talaabadan ayaa u muuqata in aanu ku kalsoonayn Madaxwaynahu Masuulka uu magacaabay waxanan idinla wadaagi doonaa talaaban boos ka riixista ah ee uu sameeyay madaxwaynahu iyo fiidiyowga uu iska soo duubay Af-hayeenka Madaxwaynahu.

Lama garanayo waxaa keenay in Muuse Xilkiisa U Dayn waayo Af-hayeenka oo isku soo saxeexo Digreetada uu soo saaray,Wali ma cadda in khilaaf shaqo oo dhinaca warbaahinta madaxtooyada ahi ka jiro aqalka looga arrimiyo Somaliland

Aynu ku Horayno Digreetada uu Madaxwaynu isku saxeexay oo u dhignayd siddan:-

WAR-SAXAAFADEED: 22/02/2018
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu maanta wareegto madaxweyne oo summadiisu tahay JSL/XM/WM/222-43/022018, uu ku magacaabay sagaal masuul. Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu sidan:-

Wareegto Madaxweyne

Magacaabid

Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad;

Markaan Arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda;

Markaan ku Qancay: In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan;

Markaan Sameeyey: La-tashi Ballaadhan;

Waxaan Go’aamiyey:

In laga bilaabo taariikhda maanta aan xilalkan u magacaabo masuuliyiinta magacyadoodu hoos ku xusan yihiin:

Tir Magaca Xilka
1. Cismaan Sheekh Cabdi Sheekh Maxamed Kaahin Maareeyaha Hay’adda Waddooyinka

  1. Mustafe Faarax Cali Aadan Maareeye Ku-xigeenka Hay’adda Waddooyinka
  2. Muuse Xasan Xaaji Yuusuf Guddoomiyaha Hay’adda Dhawrista Tayada
  3. Khadra Xaaji Ismaaciil Yoonis (Khadra Xaaji Gaydh) Guddoomiye Ku-xigeenka Hay’adda Dhawrista Tayada
  4. Maxamed Cali Bille Guuleed Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada
  5. Axmed Xasan Cigaal Sahal Safiirka Somaliland u Fadhiya Itoobiya
  6. Maxamed Warsame Ducaale Ergayga Gaarka ah ee u Qaabilsan Somaliland Qaramada Midoobay
  7. Maxamed Cabdikariin Cumar Ismaaciil (Maarshaal) Safiir Ku-xigeenka Somaliland u Fadhiya Itoobiya
  8. Ayaanle Salaad Diiriye Safiir Ku-xigeenka Somaliland u Fadhiya Dalka Kiiniya

Masuuliyiinta xilka wareejinaya, waxaan uga mahad-celinayaa sidii xil-kasnimada lahayd ee ay u guteen waajibaadkoodii Qaran, muddadii ay xilka hayeen.

ALLAA MAHAD LEH

Muuse Biixi Cabdi
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland

Waxaa kaloo aad halkan ka daawan kartaa Fiidiyowga uu iska soo duubay afhayeenku ee is-caabinta ah

 

Hangoolnews.com

 

COMMENTS
Latest News