Hangoolnews.com
10 Eray Lammaane &10 Dabar: Qaybtii 1-Aad. Qalinkii Jamal A. Muse
February 22, 2018 - Written by Hangool News 1

Gorfeynta 10 Eray Lammaane & dabaradda Isku haya, Dhugashada Maanka & Daah-qaadka Is Kaabidda Weedhaha Isku Sidkan, Dhuuxa & Duxda Afka Hooyo”

Hordhac:

Mareegaha nolosha, dhaqanka, diimaha &Saymaha hoggaaminta ayaa bulshada u yagleesha erayo lammaaeyaal ah oo isku sidkan. Marka laga hadlayo Af-Soomaaliga waa la wada yaqaan erayadalammaaneyaasha  ah iyo sugnaantoodaba. Se waxaa jira eraydabar amma xakame ah  oo isku haya labada eray ee duruuftu isku lammaaneysay, tusaale ahaan:

1.Jacayl & Nacayb: “Hubsiimo”

• Jacayl & Nacayb waxaa u dhexeeya kalmadahubsiimo, haddii hubsiimo jiro, waxaa jira xakame iyo dabar isku haya labadan eray, helidda hubsiimo maan gal ah ayaa ah mid qofka aadmiga ah ka maanacaysakaraarka iyo

kaynaanka fogaan cabbirka u dhexeeya jacayl iyo nacayb.

• Haddii la heli lahaa adkayntahubsiimaha waxaa aad iyo aad u yaraan lahayd ku fogaantakalmadaha  jacayl iyo nacayb, ku fogaanta jacaylka ayaa dhalisaqiiro, halka ku fogaantanacaybkuabuurto cuqdad iwm.

• Raggii hore iyaga oo adkaynayaxakamahamaanaca ku fogaanta jacaylka iyo nacaybka ayay mahadhada murtida ku sunteenafkahooyo “Hubsiimo hal baa la siistaa”.

• Akhriste, hubaashiihubsiimuhu waa inta maanta innaga dhimmandhammaanteen oo waxaynu nahay jacayl iyo nacayb la nooleyaal. Waayo, waxay noqotay “Jacayl< La yidhi/la lahaa>Nacayb” oo ah weedha amma weedhaha dilay hanaankii hubsiimaha, caddaaladda iyo garsoorka ku lingaxnaa ee dadkaygucaanka ku ahaa.

“Jacayl< Hubsiimo>Nacayb”.

2. Wanaag iyo Xumaan: “Dhaqan”

• Lingaxa ugu wayn ee isku haya kalmadaha wanaag iyo xumaan  waa Dhaqan, waayo dhaqanka iyo unuggamaanku waa sugeyaasha fahanka, fikirka iyo kala soocidda isku ekaanshaha labadan eray ee sare ku sheeggan.

• Dhugashada maanka fayow ka dib, waxaad ogaannaysaa in dhex roorka u dhexeeya wanaag iyo xumaan uu yahay DHAQANKA. Dhaqan waa shayga kala soocauumiyahakoonka ku nool, halka maanku yahay sifeeyaha guud ee habdhisyadajidhka aadmiga, isla kaashigalabadooda ayaa qeexanoocyada aragtida wanaag iyo xumaan.

• Si kastaba ha ahaatee, raggii hore ayaa markay ku daaleen kala saaridda wanaagga iyo xumaanta ku koobaytuducdan suugaanta ah oo yidhi ” Waxaad ceebta u taqaan, Rag bay caadadiisa tahay” oo ah tusaalaha ugu wayn ee dhaqanka iyo diimaha siinaya sifeynta wanaag iyo xumaan.

• Dhaqanku waa jideeyaha wanaagga iyo xumaanta guud ee si caam ah uga muuqata bulshada amma dalka, mar kale,  waaastaamo ka muuqan kara guurka, haasaawaha, xidhiidhka qoysaska/bulshada,  labbiska dadka, hab fikirka dhallinyarada iyo waayeelka.

Wanaag<Dhaqan> Xumaan”.

 

3. Col & Nabad: “Heshiis”

• Dabarka iyo xakamaha isku haya labadan kalmadood ee col iyo nabad ayaa ah “Heshiis“, waayo waxaan jeerna la xakameyn karin dhacdo collaadeed iyo qardoofo aadmiga dhex marta.

• Raggii hore ayaa ku xardhay diiwaanka murtida oo yidhi “Carrab iyo labadiisadaan baa is diida” oo u dhadhamaysa khilaaf iyo collaaddi waa lama seeggaan oo dabeecadda aadmiga iyo meertada nolosha ayaa caynkan u dhigan.

• Haday sidaa tahay waa in la helaa hab lagu sii wadi karo higsiga  nolosha iyo wadajirkaummaddaha dunida. Sidaadarteed, col iyo nabad waxaa dabar iyo xakame giigsan u ah kalmada waafiga ah ee HESHIIS.

• Si kasta oo arrinta loo eegaba, jiritaanka is haysiga saddexdan kalmadood, waxaa daliil wayn u ah odhaahda tidhaa “Nin iyo naagtiicolnamaahanabadnamaaha”.

• Run ahaantii, haddii maan togan lagu axadho dhadhanka, macnaha, sheegmadaiyo  warinta guud ee weedhahalammaanaha ah iyo erayga dabarka u ah. Waxaad arkayaaa in heshiisku hayay waxa isku haya qoysaska, ummadaha, dalalka, iwm.

               “Col<Heshiis>Nabad”

4. Deg-deg &Deganaan: “Dulqaad”

• Deg-deg iyo deganaan waa labo eraysifeeye oo lagu kala suntoastaamahashaacsan ee Aadmiga, waa labo eray oo sheegayasife qofnimo oo kala dhadhan duwan.

• Hadaba, dabarka labadan weedhood isku haya ayaa ah “Dulqaad“, lahaanshaha dabarka dulqaad ayaa ah baajinta deg-deg amma fudeyd lagu sifoobo, waana hal-abuurka ugu wayn ee dhismaha deganaanta Aadmiga.

“Deg-deg<Dulqaad>Deganaan

5. Qaran iyo Qabiil: “Waddaniyad”

• Qaran iyo qabiil waxaa u dhaxaysa ee isku haya dhabarkooda ayaa ah dabarkawaddaniyadda, jiritaanka dabarkan ayaa sees u ah dhismaha qarannimada iyo hooseynta aafada qabiilka.

       “Qaran<Waddaniyad>Qabiil”.

6. Aqoonyahan&Jaahil:Waxbarasho

• Lingaxa isku haya aqoonyahan iyo jaahil waa waxbarasho, waayo, dheecaansiga iyo cabbiddadhiilkatacliinta ayaa dhashay  aqoonyahan, halka ka gaabinta amma waayidda fursadda waxbarasho ay sal mug wayn u tahay jaahilnimada “Jaahil”.

• Si kale hadaan u dhigo waxbarashada ayaa midna u bilaaban midna ka daahan oo ka kala dhigtauaqoonyahan iyo jaahil.

Aqoonyahan<Waxbarasho>Jaahil”

7. Hoggaamin & Hoggaamiye: ” Himilo”

• Hoggaaminta iyo hoggaamiyaha waxaa isku haya Himilo, haseyeeshe, himilada waxaa quudiya lahaanshaha han, higsi iyo halloosi waddaniyad iyo qarannimo huwan.

• Himilada hoggaamiyuhu waa yeelashadataswiir maanka gandoodda oo lagu xardho muuqaalka berito dalka iyo dadku yeelan doonaan. Waa halbeegsifeeya kala sareynta hoggaamiyaha iyo nidaamkiisa hoggaamineed.

• Gaadhida himilada ayaa u baahan adeegsiga koox isku qiyam ah oo lagu kaabo ku xulashada aqoon, karti, ka go’naansho, aaminaad, caqliyahannimo,  daacadnimo iyo dal jacayl dhab ah.

Hoggaamin<Himilo> Hoggaamiye”

8.Miyi&Magaalo: “Tuulo”

• Labadan eray waxaa isku haya kalmadaTuulo.

Miyi<Tuulo>Magaalo”

 

& Guuldarro: “Dedaal”

• Guul iyo guuldarro waxaa u dhaxaysa dedaal.

Guul<Dedaal>Guuldarro”

 

10. Nolol&Geeri: “Xanuun”

• Dabarka isku haya nolol iyo geeri waa Xanuun.

Nolol<Xanuun>Geeri”

 

La soco qaybo kale.

Jamal A. Muse

                             Hargeysa

                          Somaliland

jamalabdiya@gamil.com/dankaabo@hotmail.co.uk

 

COMMENTS
Latest News