Hangoolnews.com
Xuska Maalinta Dhagax Tuurka Iyo Dareenka Ku Gedaaman Dhalinyarada Maanta!!!!
February 21, 2018 - Written by Hangool News 1

Sanad kasta 20February 1982kii waxa la xusaa taariikhda dhalinyaradii UFO ,oo ahaa kacdoon ay kala hortageen ardaydu kacaankii kali taliska ee ku faraxashay dhiiga umad aan waxba galabsan ,waa wakhtigii ay aad u kacday xumaha,xiqdiga ,cago -juglaynta, iyo cabudhinta lagu hayey gobalada waqooyi, waxa kala tagay labadii gobal ee Jamhuuriyadii aan la mahadin ku midawbay kaabayaasha dhaqaalaha waqooyiga waxa lagu hayey curyaamin ;waxa meesha ka baxay goobihii waxbarashada ,caafimaad,bilicda,xaruumaha dawliga ah iyo dhammaan adeegyadii bulshadu u baahnayd .

UFO oo ahayd dhalinyaro isku xilqaantay in ay si mutadawacnimo ah uugu adeegaan bulshada taliska lugooyo hagraday ayaa xasiga loo taxaabay ,subaxii

la geeynaayey maxkamada aan sharci loo maraa jirin waxa bilaabmay dhagax-tuur ay ku kaceen dhalintii dugsiyada ku jirtay ,waxa is taadhmay mawjado kacdoon ah oo bulshadii cubudhsanayd ay ku kaceen ;halkaana waxa ka bilaabmay xasaasiyadii heeryada guumaystaha diirka madaw la iskaga tuuri lahaa ,ilaahay mahadii maanta waxa aan joognaa geyigeena oo aan bandaw lahayn iyo calan ku taagan dhiiga geesiyaal naftooda u huray jiilka ka danbeeya.

Xuska maalintai waxa uu ku soo beegmaa   sanad walba iyada oo aan wax laga qaban duruufaha ku xeeran dhalinyarada dalka joogta,waxa ay la noolyihiin waayo adag .markii ay waayeen jihayn cid ka fikiraysana ay waayeen waxa ay ku halaagmeen baddaha,waxa ay u xadhko xidhanyihiin suudaal iyo tagista dhul shisheeye oo haliskasta ay ku biimeeyaan naftooda in ay maruun helaan meel ay nolashooda ku aaminaan ,waxa ay quus ka joogaan dhulkii hooyo ee ay u dhashee dhiigooda iyo dheecaankooduna yaalay.

Sanad walba waxa soo baxa boqolaal jaamacadaha ka soo baxa oo wehel u noqda wel -wel camal la’aan suuqyada soo dhex joogsada ka dibna naftooda haliga.dhalinta maanta joogtaa ma helaan goobo ay iyagu leeyihiin oo medadaalo,garoomo lagu ciyaaro ,qorshayaal loogu talo galay,wax barasho bilaasha iyo dhammaan waxii ay qaranka xaqa uugu lahaayeen.

Dhalinyaradu waa xoogga dalka ,waa jiilka qaranka u soo kacaaya ,waa cududa uugu badan ee doorashooyinka codaysa ,nasiib darro siyaasiyiintu awrka ayaa uun bay ku kscsadaan ,balan-qaad afka uun ahna waa ay u qaadaan si ay uugu fuulaan salaanka siyaasada;maanta waxa dalka ka dhashay isbedel siyaasi ah waxa madaxweynaha dhalinyaradu ka sugayaan in uu ka dhabeeyo rajadii uu galiyey dhalinyarada xiligii olalaha ui ku jiray ,kuwaas oo ahaa qaar ay dugsadeen kuuguna codeeyeen.

Mudane madaxweyne dhalinyaradu waxa ay ku jiraan xaalad mooraal la’aan ah waxa lagaa rabaa in aad qorshaha koobaad ka dhigato sidii wax loogu qaban lahaa.

Dhalinyaradii UFO waxa ay u dhinteen dhiigoodana u hureen in jiilka ku xigaa ay ku noolaadaan xoriyad,waxbarasho,caafimaad iyo dhulkooda oo nabad ah ay ku ciyaaraan ,nasiib daro xus kastaa waxa uu ku soo beegmaa iyada oo aan laga dhabeen hamigii UFO dhalinteeniina ay haadu ku cunayso saxaraha ,iyo baddaha ,jeelasha dunida iyo gsmcaha magafayaasha ,qaar kalena ay moraal la’aan inagu la joogaan.

WQ:Maxamed Xuseen Jaamac (M.soomaali)

Ababiye11@gmail.com

0634410447

Hargaysa-Somaliland

 

COMMENTS
Latest News