Hangoolnews.com
Maxamed Cali Samatar Sarkaal Ka Amar Kutaagleeyay 20sano Dalkii Soomaaliya Xadgudubyo Badanna Geystay.
February 21, 2018 - Written by Hangool News 1

Xasuuq ba’an loo geystay gobolada waqooyi bari ee mudug,nugaal iyo sidoo kale jubbooyinka oo loo adeegsaday saraakiil reer waqooyi ah maxamed siyaad barre waxa uu ahaa mid isku qala qabaailka xasuuqii ugu xumaa ee gobolada waqooyi bari waxaa fuliyay oo geystay waxay ahaayeen reer waqooyi daba dhilif u ahaa siyaad barre.

sidaa si la mida godoodkii shacabka iyo amar diidadii uu sameeyay shacabka reer waqooyi waxa loo adeegsaday saraakiil reer waqooyi bari ah oo uu ku boorriyay inay aar gudasho iyo gocosho ka sameeyaan falalkii ay geysteen saraakiishii reer waqooyi lkn iyagu waxay faleen wax damiirka saafiga ahi aanu qaadi karin iyagoo wax walba oo ay ku dabar goyn karayeen shacabka reer waqooyiga ay sameeyeen jeneral morgan iyo samatar oo ahaa rag aad isugu dhow ayaa hormuud ka ahaa falalkan wuxuushnimada ah.

aan qiso yar ka oo qaato sidii uu samatar u jeclaa mar walba hadimadii iyo guuldarradii dalka.

wakhtigiii dagaalkii 1977 lagu qaaday itoobiya waxa jirtay shax ama taatiko dagaal oo uu dajiyay sarkaal sare oo ciidamada qalabka siday ka mid ahaa oo la odhan jiray maxamed nuur galaal shaxdani waxay ahayd mid lagu najaxayo ilaa laga gaadhayo ADDIS ABABA waxa laga feer sameeyay shax qaldan oo ay wadeen saraakiil haddimo talis ah oo ay ka mid ahaayeen maxamed cali samatar, maxamed geelle yuusuf cabdiraxmaan cirro (sarkaalkii hoggaaminayay afgambigii dhicisoobay ee 1978) iyagoo maxamed siyaad barre ku booriyay inuu qaato shaxdooda oo ay ta maxamed nuur galaal qaldantahay jaalle siyaad inta uu indhaha isku qabtay buu shaxdii hadimo taliyayaasha qaatay (waan ka xumahay.).

sidaas oo ay tahay haddana waxaa amar lagu bixiyay inan lix bilood aan dagaal  la qaadin, ku darsoo ciidamadii waxay joogaan duleedka addis ababa, si ciidamada itoobiya ay ugu tababartaan hubkii ay usoo daabuleen gaashaan buurtii ruushka,cupa iyo yemen(imikay qaxooti muslimiin ah isaga keen dhigayaan yamaniyiintu gurmadkay itoobiya berigaa u fidiyeen waxaa ka mid ahaa 5kun oo ciidan afantari ah).

qoraalkaygan yar waxaan ugu talo galay xuska maalinta dhalinyarada UFO oo ay ku lammantahay 17 ka qof ee dib loogu aasay berbera ee uu laayay taliskii luggooyo.(xabaalo wadareed).

 

mustafe cabdishakuur cali (guluf)

mustafeabdi933@gmail.com

 

COMMENTS
Latest News