Hangoolnews.com
Chelsea Iyo Barcelona Oo Barbaro Ku Kala Baxay Kulankii Stamford Bridge, Messi Oo Goolkiisii Ugu Horeysay Ka Dhaliyay Blues & Willian Oo Wacdarro Ka Dhigay West London
February 21, 2018 - Written by Hangool News 1

Hangoolnews:- Kooxaha Chelsea iyo Barcelona ayaa barbaro 1-1 ah ku kala baxay kulankii lugta hore ee wareega 16ka Champions League ee ay caawa ku ciyaareen garoonka Stamford Bridge, iyadoo Lionel Messi uu markii ugu horeysay abid shabaqa ka soo taabtay Blues isagoo dhaliyay goolka barbaraha ee Blaugrana halka Willian oo hogaanka u dhiibay mar ka sii horeysay Blues uu caawa wacdarro u dhigay kooxda martida loo ahaa.

SHAXDA AY KU SOO GALEEN LABADA KOOXOOD:

Chelsea (3-4-3): Courtois, Rudiger, Alonso, Moses, Christensen, Azpilicueta, Fabregas, Kante, Pedro, Willian, Eden Hazard.

Keyd: Caballero, Cahill, Zappacosta, Drinkwater, Hudson-Odoi, Giroud, Morata

Barcelona (4-4-2): Ter Stegen; Sergi Roberto, Gerard Pique, Umtiti, Jordi Alba; Paulinho, Sergio Busquets, Rakitic, Iniesta, Suarez, Messi

Keyd: Cillessen, Denis Suárez, O. Dembélé, Digne, André Gomes,  Aleix Vidal, Vermaelen

Shan daqiiqo markii ay socotay ciyaarta Chelsea ayaa kubad si sabar leh isagu dhiidhiibtay agagaarka xerada goolka Barcelona, ugu danbeyn Hazard ayaa darbo gantaal ah ka soo qaaday garabka midig isagoo hareermariyay goolka.

15 daqiiqo markii ay socotay Barcelona ayaa iyagana dhankooda helay fursad qaali ah markii uu Lionel Messi garabka bidix ka soo qaaday kubad macaan, waxaana uu madaxa u saaray Paulinho oo cidna aysan ciriir ku heynin, laakiin xiddiga khadka dhexe ee reer Brazil ayaa ku guuldareystay inuu kubadii madaxa aheyd ku bartilmaameedsiiyo goolka.

BIRTA Daqiiqadii 34aad Chelsea ayaa fursad lama filaan ah heshay, Hazard ayaa xerada goolka afkeeda hore kubad ugu baasay Willian, kaasoo kubada u jiitay dhanka bidix ka hor inta uusan darbo xoog leh goolka ku deynin, goolhaye Ter Stegen ayay daawasho kaliya ka soo hartay ka hor inta aysan kubada birta ku dhicin oo aysan soo laabanin.

BIRTA MAR KALE! Daqiiqadii 41aad mar kale ayay Chelsea soo martay fursad dahabi ah, Willian ayaa mar kale kubad ku hor helay xerada ganaaxa iyadoo uu ku soo ordayay Samuel Umtiti waxaana uu darbo kale oo cajiib ah qaaday goolka, laakiin hadana mar kale birta kale ee goolka ayaa soo celisay kubadiisa.

Inkastoo Barcelona ay kubada inteeda badan heysatay hadana fursadaha ugu fiican waxa ay soo mareen qeybtii hore kooxda Chelsea iyadoo daqiiqadii 43aad uu Hazard kubad gool loo fishay dulmariyay goolka, waxaana lagu kala nastay qeybtii koowaad barbaro goolal la’aan ah.

Qeybtii labaad ee ciyaarta ayaa ku bilaabatay si ka yara qabow sidii qeybtii hore, laakiin Barcelon ayaa heshay fursad fiican daqiiqadii 53aad markii uu Iniesta kubad ku guuleystay khadka dhexe waxaana uu durbadiiba u baasay Suarez kaasoo kubada ka leexsaday Azpilicueta, laakiin darbadii uu goolka la beegsaday waxaa gacanta ku sii bixiyay goolhaye Courtois oo badbaadintiisii ugu horeysay ee ciyaarta sameeyay.

GOOOOOOL!!!! Daqiiqadii 62aad Chelsea ayaa hogaanka u qabatay ciyaarta, Willian oo labo jeer birta garaacay qeybtii hore ayaa ugu danbeyn shabaqa ka soo taabtay Barcelona. Kubad kooner aheyd ayuu Fabregas u baasay Hazard kaasoo isna u soo qaaday Willian oo taagnaa banaanka xerada ganaaxa, xiddiga reer Brazil ayaa kubada ka leexsaday Busquets ka hor inta uusan shabaqa meel hoos oo gees ah ka gelinin.

GOOOOOOOL!!!! Daqiiqadii 75aad ayay Barcelona barbareysay ciyaarta, hogaankii kooxda martida loo ahaana ma noqonin mid waara. Daafaca da’ yar Christensen ayaa baas qaldan soo hor dhigay xerada ganaaxa, waxaa kubada helay Andres Iniesta oo ka badbaaday taakal uga yimid Fabregas, Iniesta waxa uu kubada la soo galay xerada ganaaxa isagoo dib ugu celiyay Lionel Messi oo isna aan ka daahin inuu shabaqa si sahlan ku dhex dhigo iyadoo Courtois uu u booday dhanka kale.

Waa goolkii ugu horeysay ee uu Lionel Messi ka dhaliyo kooxda Chelsea, waxaana ay ku qaadatay inuu shabaqa ka soo taabto Blues kulankiisii 9aad iyo 730 daqiiqo in ka badan oo uu la ciyaaray Champions League.

Goolkaas uu Messi dhaliyay ayaana noqday midkii ay Barcelona barbaraha ugala tagtay garoonka Stamford Bridge iyadoo ciyaarta ay ku soo idlaatay barbaro 1-1 ah. Messi ayay u aheyd habeen weyn ka dib markii uu shabaqa ka soo taabtay koox ay inkaar ka heysatay in muddo ah.

Labada kooxood ayaa ku kala bixi doona kulanka lugta labaad ee wareega 16ka Champions League ee ku dhexmari doona garoonka Camp Nou inkastoo Barca ay faa’ido gool marti ah wadato.

COMMENTS
Latest News