Hangoolnews.com
Xukuumada Madaxweyne Biixi Oo Wasaarada Caafimaadka Sanaag U Igmatay Taarikhada Inta La Ogyahay Shaqsigii Ugu Aqoonta Badnaa Waaxda Caafimaadka
February 13, 2018 - Written by Hangool News 1

Hargeysa ( Hangoolnews) Taarikhada Inta La ogyahay Waa Markii Ugu horaysay ee gobolka sanaag u iftiinto falaadh ka mid ah kuwa ay mudo badan naawilaysay waaxda caafimadka sanaag ayaa markii ugu horaysay loo magacaabay shaqsi dedal iyo dacadnimo kasakow la rafiin noqday bulshada debiibka iyo dawo doon u ah waaxda caafimaadka kaasi oo ay ku sifeyeen in uu yahay Halbeeg lagu cabiri karo horumarka caafimaadka sanaag

Dr Naasir Cabdiraxmaan Waxa Uu Ka Mid Yahay Dhakhtiirta Waqti iyo dedaalba u huray bulsho la go.doonsanayd xaalad caafimaado xumo waqtigii uu ka mid noqday bahda caafimaadka sanaag waxa uu gobolku galay xaalad laga dheehan karo horumar dhanka caafimaadka

mudo badan oo uu ka mid ahaa dhakhatiirta caafimaadka sanaag waxa dhamaanba is bedelay baahiyaha caafimad ee ka jiray gobolkaas. wasiirka caafimaadka somaliland oo ka cabir qaadanaya bahda caafimaadka iyo sidoo kale bulshada reer sanaag waxa uu Xil Culayskiisa leh u cugtay Dr Naasir In Uu Noqdo Isuduwaha Caafimaadka Sanaag
Waa Hubanti In Uu Yahay Shaqsi Siday Tahay Uga Soo Dhalaali Doona Shaqadaasi

 

Aadan Caydiid “Yariisow”

COMMENTS
Latest News