Hangoolnews.com
Wasiirka Biyaha Somaliland Oo Daboolka Ka Qaaday In Ay Ku Fashilmeen Mashruucii Xumbo Weyn
February 12, 2018 - Written by Hangool News 1

Wasiirka wasaarada horumarinta biyaha Somaliland mudane Saleebaan Yuusuf Cali Koore ayaa sheegay in aanu jirin mashruuci biya balaadhinta caasimada Hargeysi.

Waxaanu sheegay in mashuurcani xukuumadii tan ka horeysay ay siyaasadeysay, sidoo kale waxaa uu xusay in 14 ceel hal kilomitir laga wada qoday  taasina ay tahay ta keentay in  meesha ay ka baxdo biyihii ay dadku sugayeen

Wasiirka wasaarada biyaha Somaliland mudane Saleebaan Yuusuf Cali Koore isaga oo arrimahaasi ka hadlaya waxaa uu yidhi “Dad badan waxaa loogu dhigay inay biyaha cidi diidan tahay, bulshadeenana si khaldan ayaa wax loogu sheegay, 14 ceel ayaa ka qodan 1-km iyo laba boqol oo Km, ceelkastana ugu yaraan waxaa uu u baahan yahay  800-km, inuu ceelka ka kale u jiro, 14-kaa ceela laba ceel awoodooda ayay noqonayaan, odhan maayo meesha biyo ma jiraan laakiin waa in aqoon danbe iyo ceelal danbe in dib looga fikiro sida loo wadi karo, markaa waala siyaasadeeyay biyahaa Xunba-weyne, oo ah si aan aqoontu taageerayn, iyada oo aanay  biyoba jirin ayaa dadka lagu jaha wareeriyay ma xagan ayay ka baxeysaa mise xagan”

COMMENTS
Latest News