Hangoolnews.com
Akhri:- Wasiirka Kaliya Ka Tirsan Xukumadda  Muuse Biixi Ee Ku Guulaystay In Uu Ku Shaqeeyo Siyaasadda Madaxwaynaha Iyo Dariiqa Uu Jeexay
February 12, 2018 - Written by Hangool News 1

Hangoolnews:- Bulshada Somaliland ayaa waxaa inta badan lagu qayaan in ay falan-qeeyaan siyaasadda iyo talaabooyinka horumarineed ee ay qaadayaan masuuliyiinta kala duwan ee Xukumadda markaa talada haysa, waxaana maalmahii ugu dambeeyay si aad ah loo hadal hayay wasiir ka tirsan xukumadda madaxwayne Muuse Biixi kaas oo qaaday waddadii uu Ololaha ku galay Madaxwaynahu waxaanu markii loo magacaabay wasaaradda Beeraha Somaliland Mudane Axmed Muumin Seed uu markiiba bilaabay in shaqada wasaaradda la dardar galiyo waxaanu markii ugu horaysayba shir la qaatay shaqaalaha Xarunta halkaasi oo ay ku sugan yihiin khibiiro aqoon saraysa u leh wax-soo saarka.

Wasiir Axmed Muunin Seed waxii intaasi ka dambeeyay waxaa uu qaaday talaabo ka duwan waddadii hore ee wasiiradda wasaaraddaasi loo soo magacaabo ay mari jireen waxaanu go,aansaday in uu kulamo la qaato oo uu hor-dhigo hayaddaha la shaqeeya wasaaradda howlaha ay u baahan yihiin gaar ahaan in laga maarmo in Cunto dibadda laga keeno.

Waxii intaasi ka dambeeyay waxaa uu Wasiirku socodaal ugu baxay qaar ka tirsan Gobolada Somaliland isagoo soo eegayay meelaha ku haboon wax-soo saarka.

Haddaba marka aynu u soo daa-dagno falayn-qaynta bulshada ayaa inta badan shacabku ay isku raaceen in Wasiir Axmed Muunin Seed uu kaga dhabeeyay arrimahii ku aadanaa dhinaca wax soo saarka ee uu ku Ololayn  jiray Madaxwayne Muuse Biixi Cabdi wakhtigii uu Olalaha ku jiray, waxaana uu noqonayaa wasiirka kaliya ilaa imika Ummaddu ay u riyaaqday sidda Haboon ee uu u waddo hawlaha qaranka ee uu u xilsaaran yahay

Hangoolnews.com

COMMENTS
Latest News