Hangoolnews.com
Madaxtooyada Ayuunbay Sidii Dacawada Dhusta Hayaan.
February 9, 2018 - Written by Hangool News 1

Waxan ka soo boolyaday hawraarta hal ku dhiga qoraalkan ee kor ku sheegan Faysal Cabdi ama Dr Cismaan C DOOL ma hubo midka murtidaasi ka soo maaxatay madaxiisa. Siilaanyo weligii fooda ma gelin guriga madaxtooyada intii uu maaganaha ahaa jeer oo uu qabsaday. Way dhexfadhiyaan sidii ay malcaamad quraan u tahay meesha ganad. Hanka iyo himilada qofkii hibo qofkii Eebe u siiyaa Kuma haba yaamo meel lagaga libaystay oo eber lagu carawshay. Intaa aynu soo taxnay dadku hadii ay ka saboolaan ogobeey aanay dareensanaynba Waxa meesha yaala waxay isu rogaysaa wixii rag lagu yaqiin marka laga arki waayo waa dacawadii dhuslaynaysay. Dadkii codadkooda siiyay badankoodu

dareen kulul oo cadho leh ayay ka muujeen ka Dib markii ay arkeen hogaamiyashoodii ay daba kuududeen oo sidii caruur alifka la barayo hoos hawaara ninkii hadhuudhlaha ku daray. Way diintu waxay tahay markii horeba hankoodu ma ku dhawaa inay dalka hogaanka u qabtaan?? Mise ilaa imaka waa asqaysiin waxay wadaan. Reer miyi. Xuseen Warabe taffe.

 

ssheikhabdi@gmail.com

 

COMMENTS
Latest News