Hangoolnews.com
Kala Maan, Isku Maan, Ma Noqon Kartaa? Qaybtii 4-aad Qalinkii Jamal A. Muse
February 9, 2018 - Written by Hangool News 1

Falanqeynta Haykalka Ummadnimo Ee Shalay & maanta, Isa Seeganta Hoggaamintii Hore & Hoggaamiyeyaasha Maanta, 10 Sanno iyo Dharaarihii Jameecada Caynaanshe, Dariiqii Ogaal doonka, Sababaha Isku maankii shalay & Kala Maanka Maanta”

ü  Kala Caagganaanta dawladnimada & Siyaasiyiinta Soomaalida:

Akhriste, waxaa is waydiin mudan Sababaha dhaliyay kala maanka siyaasiyiinta Soomaalida maanta iyo hanaanka dawladnimo saxan oo anfacaad u yeelan karta dalka, dadka iyo diintaba? saaxiibbayaal, waxaa hubanti ah in ogaalnimadu aad u muhiim tahay mar haddii laga hadlayo qoddobo aad & aad u xaasaasi ah. Hadaba, aniga oo ka duulaya arragtida Kordhinta wax ka ogaalka qadiyadda kala kakanaanta bulshada midab mas-ciideedka ah iyo nidaamka dawladnimada casriga ah. Taasi oo aan kusoo koobi karno:

1.   Cunsurka Dhaliyay Ummad Doorinta:

Ummaddii dhismaha ummadnimo Kaalinta wayn ku lahayd ee hanka, himilada iyo halloosiga dadnimo u sugnaan jirtay, ayaa maanta ah mid lumisay kalsoonida ahaanshaha ummadeed oo u dhaqmaysa si ka hoosaysa haykalka bulshonimo ee dunida.

Waxaa muhiim ah ogaanshaha cunsurada ugu waawayn ee unkay bulsho ka hooseynta Soomaalida? Muddo dheer oo sannado gaadhaysa ka dib, ayaan ogaal raadin kooban ku dheefay jiritaanka sheegmadii odaygii reer Jameecada Caynaanshe ku sifeeyay isku mid ahaanshaha dawladnimada iyo hoggaaminta siyaasiyiinta dadka Soomaalida ah.

Waxaan ogaaday in sababeyaasha kala maanka dhaqamiga ah ee kala xadeeyay is garaad fahanka nidaamka dawladnimada casriga ah, hanaanka qabaliga ah iyo bulsho waynta Soomaaliyeed ay ahaayeen labo nin oo la kala odhan jiray Gadhle & Gafuur, kuwaasi oo dhallaannimadoodii la soo baxay hab dhaqan ka duwan kii geyiga yaallay, ka dibna go’aan mideysan looga eryay jasiiradda Soomaalida.

2.    Hal Wadaaggii Bulshadii Gadhle & Gafuur:

Dhaqan iyo dheef wadaaggii bulshadii ay ka dhasheen “Gadhle iyo Gafuur” waxa saldhig u ahaa lahaanshaha qayb-dhismeed bulsho leh haykal bulshonimo“Xeer-jir iyo Xoolo-jir” oo qoyskeedu ka kooban yahay Aabbe, Hooyo, Carruur, abti, adeer, eeddo, habaryar, awoowe, ayeeyo iyo dhaweyaal “Ab, Reer abti, xidid iyo xigaal” oo hab korintooda dhallaanka ay ku jireen waxyaabo badan oo kakan. Islamarkaanna ahayd bulsho ka siman lahaanshaha qoddobadan:

·         Diin wadaag.

·         Deg-deg badnaan,

·         Caadifad badnaan,

·         Dagaal badnaan iyo heshiis deg-deg ah,

·         Aqoon yaraan,

·         Gobonimo dhawrid,

·         Deeqsinimada.

·         Isku xidhiidhinta tolka iyo xididka,

·         Ilaalinta sharafta qofnimo iyo qabiilnimo,

·         Isla waynida qofnimo iyo qabiilnimo,

·          Kalsoonida qofnimo iyo qabiilnimo,

·         Faan badnaan, Kala shiki iyo aamin darro,

·         Cunidda hilibka iyo cabidda caanaha,

·         Tixgalinta suugaan-yahanka, maanso dhaadhiga, murti-maalka, gar-jiraaga, guurtinimada iyo xeer beegtida,

·         Habka maaraynta nolosha iyo Ilaha waxsoosaarka sida Xoolaha nool,

·         Dhul daaqsinta & reer guuraanimada,

·         Hiddaha iyo dhaqanka,

·         Qaab dhismeedka bulshada,

·         Hab adeegsiga warbaahinta,

·         Is xukunka qoyska & bulshada,

·         Hidde-raaca guurka iyo maamulidda qoyska,

·         Luuqada, damaca iyo difaacidda danta guud.

 

3.    Wax ka baro Gadhle & Gafuur:

Hadaba, si aynnu iskula wadda fahanno dulucda sheekadan huwan isku e’kaysiinta/ isku e’kaanshaha fahan Yaraanta/la’aanta hoggaanka hoggaaminta siyaasadda bulshada Soomaaliyeed iyo metelaadda Gadhle & Gafuur,oo si dedban u tebinaya fashilka bulshonimo iyo dawladnimo ee siyaasiyiinta hoggaamisa Soomaalida maanta. Balse aynnucabbaar ku yar nasanno qofnimadii iyo magacsamaantii Gadhle& Gafuur:

·         Waxay ahaayeen rag wadaaggay duruufo isku sidkan amma isku lammaan xiligii koriinkooda. Waana waxa ugu wayn ee jaan-goysa hab fikirka iyo aragtida qofka ee mustaqbalka. Maxaa yeelay, wadaagidda Waayaha/duruufaha nolosha eeamminta dhallaanimo ayaa ah amma lagu tiriyaa tilmaameyaasha ugu wayn ee metela lahaanshaha aragti-san iyo tub-san amma aragti-kakan iyo tub-kakan oo aadmigu yeesho.

·         Gadhle& Gafuur, waxay ahaayeen labo nin oo aad u kibir badan, waana sababtaloogu bixiyay magacyadan sifeynta dhaqan iyo qofnimo huwan.Gadhle& Gafuur, waxay ahaayeen labo nin oo raad baradkoodii koowaad-ba ku can baxay kibiriyo qaad qaadxad dhaaf ah.

 

·         Sababaha ku dhaliyay kibirka iyo isla waynida xadhkaha goostay ayaa la ogaaday in ay saldhig wayn u ahayd gudbin iyo sifeyn khaldan oo ku duugnayd sheeko qoyseed dhaqami ah oo faan iyo is buunbuunin qof, qoys iyo qolo ku dhisneyd. Gudbinta sheekadan waxaa jileyaal ka ahaa waalidiinta iyo dhaweyaasha qoyska, waxayna si balaadhan diiradda saari jireen, qoddobadan:

1.    Adeer iyo abti ku faan,

2.    Ab iyo abtirsiin ku faan,

3.    Gob jacayl iyo gun diid,

4.    Tol iyo reer abti fiicnaan,

5.    Dagaal-yahannimo iyo magacsamaan,

6.    Karti, xog, cuddud iyo laandheerenimo.

7.    Sareynta qabiilkiisa iyo hooseynta qabiiladda kale.

 

·         Ku korintii sheekada ku saleysan wanaag isla jacaylka iyo xumaan la jacaylka ciddii ka qabiil duwan ayaa ka dhigtay Gadhle& Gafuur, ragdurbadiiba yeeshay dabeecaddo isku mid ah oowaxaa lagu arkay labadan nin dhaqamo bulshadii xiligaa ku uunneyd geyiga Soomaalida aad uga yaabiyay oo muran badan ka dhex curiyay guddahooda. Waayo waxaa iyaga oo aad u yar yar lagu arkay dhaqamo mar curad ahaa oo aad u kakan iyo qaar badan oo wanaagsan oo ay ka hidde-raaceen girid aroorka abka qoomiyadda midab yusur-layda ah. Waxaana ka mid ahaa qoddobadan hoos ku xusan:

1.    Hal-abuur yahannimo/ Suugaan yahannimo/Gabayaanimo/ Maanso-yahannimo.

2.    Sal fudeyd, Caadifad badan iyo muran jacayl.

3.    Deg-deg badan, Isla wayni badan iyo Cadho badan.

4.    Xaalad abuur, Calool xumaan, iyo isku dir bulsho. 

5.    Balan xumo, beenaalenimo iyo shaqo diidnimo.

6.    Waydiimo badan, Dhac-dhac badan, kala shiki iyo Raali galin badan.

7.    Dagaal hurin badan, Dhaqso u heshiin iyo nabad-doonnimo.

8.    Xoolo-mooganaan, meesi gabid, qal-qaali, faan iyo fudeyd badan.

9.    U nuglaanta dhaqannada shisheeye & bowsiga haasaawaha

·         Gadhle& Gafuur,waxay la haasaawidda hablaha yar yar bilaabeen, iyaga oo da’ahaan jira kaliya 10 sannadood. Taasi oo aad iyo aad uga duwan dhammaan hab dhaqankii bulshadiiSoomaaliyeed ee xiligaa ku dhaqaneyd geyiga geeska Afrika, oo dhaqan u lahaa in xidhiidhka haasaawaha doobabka iyo gashaantimuhu curto xiliga guur u meerka oo xagga ragga ku sinnaa ilaa gaddaha 40 jirka.

·         Gadhle& Gafuur,ayaa markii bulshadii giriiftay ee lagu fogeeyay dhaqan xumaantoodii noqday qaar la soo baxay, qalafsanaan, dhirif iyo cuqdad badan oo buuxisay maankii garashada iyo kala sifeynta xumaha iyo wanaagga. Waxayna noqdeen labo nin oo nin walba qumannihiisa qoorta loo sudhay. Oo xaalkoodu ahaa “Mindi mindi ku taag”.

·         Ka dib isku qabsi ka curtay jacayl ay labada nin ba u qaadeen gabadh yar oo la odhan jiray Guddoon oo ka mid ahayd dariskooda ayaa noqotay mid sababtay qarax wayn oo shaaciyay dhaqan xumaddii Gadhle iyo Gafuur. Ka dib shir deg-deg ahaa oo ay iskugu yimaaddeen waxgaradkii degsiimada ayaa lagu go’aamiyay in si deg-deg ah deegaanka looga caydhiyo Gadhle iyo Gafuur, si dhaqan bedelkooda looga badbaadiyo da’yarta degmada.

·         Deetana, firxad iyo saxariir badan ka dib waxay muddo dheer waxbarasho iyo ilbaxnimo reer magaalnimo ah ka soo qabatimeen dalal shisheeye. Waxayna soo fahmeen nidaamka dawladnimada casriga ah, fikir iyo maan wareejin badan dabadeed waxay isla garteen in ay gumeysitihii reer Yurub u sahlaan gumeysiga degmada Soomaalida, si ay u gaadhaan danno hoggaaminta siyaasadda ah iyo hirgalinta dawladnimo Soomaaliyeed.

·         Waxaa halkaa ka curatay nidaamka reer magaalnimada Soomaalida, waxbarasho iyo unkidda dawladnimada casriga, balse khilaaf ka curtay labo kacleyntii jacaylkii Guddoon oo mar kale waayihu kulansiiyay ayaa dhaliyay curyaaminta hirgalintii dawladnimo guulaysata oo laga dhidbo geyiga Soomaalida.

·         Aakhirkii godobtii jacaylka Guddoon ee ka dhaxaysay Gadhle iyo Gafuur ayaa ilaa maanta ka dhaxaysa siyaasiyiinta Soomaalida, run ahaantii faraqa u dhexeeya barnaamijyada xisbiyadda, hanka iyo hoggaaminta siyaasiyiinta Soomaalida ayaa doonidda ku guuleysiga jacaylka Guddoon iyo ka sheekaynta eeladii jacaylka…….La soco qaybo kale oo muhiim ah,

 

Jamal A. Muse

Hargeisa Somaliland

jamalabdiya@gmail.com/dankaabo@hotmail.co.uk

 

COMMENTS
Latest News