Hangoolnews.com
Akhri:- Hantidhawraha Guud Ee Somaliland Daacad Ma Ka Yahay Baadhista Hay’adaha Dawladda Iyo Sherkadaha Qandaraasyada Kula Jira Xukuumadda??
February 9, 2018 - Written by Hangool News 1

Hangoolnews:- Hantidhawraha guud ee qaranka, Axmed Yuusuf Dirir ayaa dhawaanahan ba bilaabay baadhista hay’adaha xukuumadda iyo sherkadaha qandaraaska kula jira dawladda

Hase yeeshee Ilo ku dhow dhow hanti dhawraha guud ee qaranka Axmed Yusuf Dirir ayaa sheeegay in uu hanti dhawruhu uu ku talo jiro in uu dhawaan baadhitaano galiyo shirkado badan oo gaar loo leeyahay, arintaasi oo ay wararku sheegayaan in ay khilaaf sharci kala dhex dhigtay isaga iyo qaar ka mid ah shaqaalaha la hawl gala, taasi oo oo ay wararku sheegayaan in aan dastuurka dalka iyo shuruucda hanti dhowrista u taalaa ayna dhigaynin in wax baadhitaano ah la galiyo shirkadaha gaarka loo leeyahay, hase ahaatee shirkadaha xaq loogu leeyahay in ay bixiyaan cashuurta dawlada ee ku waajibtay in ay bixiyaan sanadkii ama bishiiba.
Mar wax laga waydiiyay in uu baadhitaano galinaayo shirkadaha ciidanka qaranka siiya raashinka iyo badiba shirkadaha qandaraasyada ka qaata dawlada oo ay leeyihiin badidooda beesha ay ka soo wada jeedaan madaxweyne Muuse Biixi iyo Axmed Yusuf Dirir ayaa arintaasi ka gaws adayga kana meeraystay inkasta oo uu ku aakhirkii sheegay in aan arintaasi hada loo bahnayn, taasi oo ay meesha ka muuqato aqoon dari iyo sharciyadeed.
Axmed Yusuf Dirir ayaa Arbacadii albaabada u laabay shirkad ay dad muwaadiniin ahi gaar u leeyihiin oo aan ahayn hanti dawladeed shirkadaasi oo lagu magcaabo SRM, waxa uu sheegay in uu xidhay xafiisyadeedii isla markaasina muwaadiniintii lahaa ay dalka dibada xiligani kaga maqanyihiin, mana jiro sharci uu ku hakin karo gancsi gaar loo leeyahay, arintaasi oo baal marsan shuruucda dalka waxa ay or seedi kartaa degnaasho laan iyo kala aaminid bixid waxana ay xiligan hadal haynteedu badantahay in ay jiraan dhalinyaro aan xil ka haynin dawlada oo raadinaaya shirkado gaar loo leeyahay oo ay albaabada u laabaan iyaguna sifo qaldan ugaga faa’iidaysta magaca madaxweynaha.

Arrintan ayaa hoos u dhigaysa kalsoonida lagu qabo shaqada uu hayo hantidhawaraha guud ee qaranka oo ay Madaxwaynaha isku beel ka soo jeedaan.

COMMENTS
Latest News