Hangoolnews.com
Akhri Arrin Cajiib Ah:- Dukaan Dadka Maydka Ah Oo Kaliya Looga Adeego Oo Ku Yaala Magaalada Jig-Jiga Iyo Magaca Mucjisada Ah Ee La Yidhaah
February 9, 2018 - Written by Hangool News 1

Hangoolnews:-Magaalada Jigjiga ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya waxaa aad loo hadal hayaa dukaan ku caan baxay waxyaabo dad badan aysan ku dhiiran karin ama aysan ka ganacsan karin.

Dukaankan oo lagu magacaabo Daarul Aakhira ayaa waxaa lagu iibiyaa karfanta ama kafanta meydka lagu kafano oo kaliya.

Bannaanka hore ee dukaanka waxaa ku dheggan boor weyn oo uu ku sawiran yahay qof meyd ah oo la kafmay waxaana sidoo kale ku qoran ku soo dhawaada dukaanka reer aakharaadka. Arrintan ayaa ku khasabtay dad badan in ay ka cabsadaan in ay dukaankaasi gudaha u galaan, waxaana uu dukaankani saameyn ku yeeshay ganacsiga maqaaxi shaaha laga cabbo oo u dhow maadaama dad badan aysan ku dhiiran karin in ay hoos fariistaan boodhka uu ku sawiran yahay meydka.

Dhinaca kale Dukaankan ayaa waxaa ku dhow maqaaxi laga shaaheedo waxaan dadku ay ka waji dadbaan Boodhka,

Geesta kale Dukaankan waxaa  lagu iibiyaa oo kaliya waxyaabaha Maydka loo isticmaalo sidda Kafanta, Qasilka iyo Cadarada Maydka

Hangoolnews@gmail.com

Hangoolnews.com

COMMENTS
Latest News