Hangoolnews.com
Waan Aamin-Sanahay In Madaxweynuhu Mudane Muuse Biixi Uu Dawladeeyey Ummadiisan Qaabku Ka Lunsanaa,(From Of Government). Qalinka:C.S.F(Jeesto).
February 7, 2018 - Written by Hangool News 1

Waxaan  aregtidayda  gaaban  ku  cabbirayaa  in  maanta  Madaxweynaha  cusub  Mudane  Muuse  Biixi  Cabdi  uu  sameyn  karo  isbaddel  dawladeed  kaasi  oo  ay  umadani  ku  diirsan  karto,  Waayo  qaab-dawladeedku  waa  in  la  helaa  kala-danbeyn,  Hab-nidaamsan,  Cadaalad  shaqaysa,  Awood  dawladeed  fulintiisa  wata,  Shacab  hanoonsan,  Sinaan  muwaadinimo,  Dawlad  xuduudaheeda  ilaashata,  Ciidamo  kala  duwan  oo  hawl-gala,  Hay,ad  shirci-dajineed  oo   soo  jeeda,  Xeer  iyo  nidaamyo  dastuuriya  oo  kala  qeexa  xuduudaha  hay,adaha  dawlada  soohdimahooda,  Iyo  Waliba  calankeena  oo  dunida  ka  shaqeeya  tani  danbe  uumbaa  inagu  yara  culus  mooyee  kuwa  kale  waa  istaraatajiyadaha  hada  la  filayo  waliba  kalsoonidooda  la  hubo.

Hadaba  ubucda  aan  abaarayaa  waa   umadan  reer  Somaliland , Maxaa  ka  lumey  qaab-dawladnimo?????   Anoon  siiba  fogaan  jawaabteedu  waa  “dhamaan  umadani  waxa  ka  lumey  imkaaniyaadkii  dawladnimada  dabcan  haatana  waxaad  moodaa  iney  badhkood  soo  noolaanayaan  imkaaniyaadkii  lumey”  Xaqiiqadii  kuwaasaan  ku   rajo-weyn  nahay  in   bulshadan  loo  soo  celiyo,  Waxana  taasi  laga  dheehan  karaa  imika  qaabka  ay  u  shaqayso  dawladani  oo  ku  salaysan  Dastuurkeena  ama  axdi-qarameedkii  qaran  Somaliland  lahaa  ee  ay  wada  dhisteen,  Waa  ta  ay  maanta  ku  timidey  iney  masuuliyiintu  kala-danbeeyaan  ,  kala-baqaan  oo  uu  nin  walbaaba  ku  mashquulo  shaqadiisa  taasina  waa  ta  aynu  u  dooraney  Madaxweynaha  cusub  iyo  xukuumadiisa.

Waxan  aaminsanahay  in  dalka  ay  ka  qabsoomeyso  awood  shaqo  oo  qeexan  kala-danbaynteeda  wadata  talaabadani  wali  in  muddo  ah  Somaliland  kama  ay  qabsoomin  balse  hadda  ayey  cadceedaasi  inoo  soo  baxdey,  Maanshaa  Allah  waxaad  arkeysaa  in  ay  dabayshu  isu-badashey  horumarin  iyo  la  soo  bixid  tabcasho  fara-badan  taasoo  la  xidhiidha  nidaamkan  hada  ka  hana-qaadey  dalka  dhamaantii,  Sidoo  kale  waxa  yadna  meesha  ka  muuqata  fulin  badan  oo  ah  hadba  talaabadii  la  qaado   ee  hawl-gal  ahaaneed  taasoo  ku  suntameysa  taariikhda  iyo  waxan  hada  la  taaba-galinayo  isla  markaana  foolkiisii  hore  laga  badalayo  ama  sidii  loo  lumiyey .

Waa  hubaal  iney  inoo  dhismayso  nidaamka  saxda  ah  ee  aynu  u  baahan  nahay  dhinaca  dawladnimada  balse  waxa  muhiima  in  laysla  fahmo  tubta  saxda  ah  iney  talaabadani  tahay,  Oon  la  arag  argagax  iyo  sifo  arxan-daro  inloo  arko  nidaamkan  wax  lagu  baddalayo  amaba  ay  timaado

qaylo  iyo  mucaaridad  taasi  oo  runtii  inagu  celin  karta  khatartii  aan   ka  soo  baxney  isla  markaana  la  rabo  in  laga  gudbo,  waa  inaan  soo  dhaweynaa  talaabo  kastoo   wax  lagaga  baddalayo  ama  dhaqan  loogu  soo  celinayo  dalkan  jamhuuriyada  Somaliland .

Ku  darsoo  imika  wakhti-xaadirkan  waxaad  moodaa  in  dalka  nin  walbaaba  ku  mashquulsan  yahay   shaqadiisa, Hada  waa  masuuliyiinta,e  oo  ayna  jirin  masuul  ku  mashquulsan  wax  kale  oo  ka  duwan  waxa  ugu  badan  ee  xooga  la  saareyna  waa  qaybtii  farsamo-yaqaanimada  (Technitions)  ee  ma,ha  siyaasada  (Politcs),  Halkanina  waa  qaybta  ay  ka  dhisanto  dawladnimadu  waa  in  umada  loo  shaqeelo  oo  la  jiheeyo  yadoo  laga  jeedinayo  wax  kasta  oo  dhaliila  oo  ay  haleeli  lahayd,  Haday  tahay  mid  caama  iyo  mid  gaar  ahaaneed,  Waan  qabaa  oo  waan  ku  kalsoon  nahay  in  Madaxweynaha  cusubi  umadiisii  u  soo  celiyey  haybadii  dawladnimo  ee  laga  lumiyey.

 

Qalinka:  C/raxmaan  Sayid  Faarax(Jeesto).

Diplomatic  Annalism.

Gabiley/Somaliland.

COMMENTS
Latest News