Hangoolnews.com
Tixgabaya Oo Ku Saabsan Nabaad Guurka Dhulkeenii Ku Dhacay Oo Aan Tiriyay Hal Sanno Kahor.
January 28, 2018 - Written by Hangool News 1
Nimanyahaw garaad baan lahaa tan iyo goordheere
 maalintan gurguurtiyo haddoo golaha layyeedho 
waa gelin hadhkii oo dunid way is guraysaaye
 xiligaan garaadsaday arligu gubanti mahayne 
nabaad guurka geyigii ku dhacay gelengel-weeyaane
 gudin baa sidaa loogu galay waa garaadliye 
gobolkaa togdheer iyo saraar gelin hadaad soocoto 
garanmaysid geedihii kuyiil gumocyadii hawde 
caynaba galoolkii kabaxay lama giriifeene 
balli gobleh illaa gaatamiyo gubadadii tuurta 

gabaahiir cidlaha

 

bay noqdeene guunyo daaqayne 
gagaboodka meshiilahayd guricasweyaane 
gegi boodhleh guri diquna goosimaad malahe
 gumaadka dhirteenii ku dhacay garanba maysaane 
haddii gugu ka liishii da,oo galaba meel buuxsho
 biyo gaawle mooye hadduu roobku go’iwaayo 
gaxadh iyo madheedh kama baxaan gurigi ciideede 
geediguna  wuxuu sii socda godad afkeediiye
 gomoshaale wa tay tageen guban ragii yiile 
gadaalayaal lama gubeene geedka qodaxdalehe 
cirkoo gaaxday dayrtii hadduu godol kusii daayo
 geedaha caleen kama baxaan guri sankeeniiye 
hadaynaan gigilan waan  hubaa guuldarada taale.
Source:CABDIXAAFID AXMED Hurre 
cabdixaafidm2016@gmail.com

 

COMMENTS
Latest News