Hangoolnews.com
Goobaha Iclaajyadu Goormay Samaysmeen Dadka Iclaajyada Haystaa Ma Haystaan Aqoon Takhasus Oo Ay Ku Daaweeyan Bulshada Bukta
January 11, 2018 - Written by Hangool

Iclaajyadu waa goobo aan dalka hore uga jirin  waqtiyadii ka horeeyey waqtigii dagaaladii burburkii dawladii somaaliyeed

Dalka waxa shaqaynaayey  cisbitaalo iyo pharmasiyo xadidan  oo ay ka shaqeeyan dad aqoonteeda caafimaad leh

Nidaamka  dawliga ee lagula socdo  baahiyadka aasasiga ee goobaha caafimaadka private iyo dawligu  waxay ahaayeen  mid u shaqeeya nidaamka sharci ee dawladeed  daawooyinka dalka dibada uga yimaada waxay ku iman jireen nidaamkii sharci caafimaad ee dalab  ku xidhaan xidhiidh laba dawladeed

Daawooyinku waxay ku sugnaayeen gacanta dawlada ma jirin dal aanay dawladu heshiis la lahayn oo si  fudud ganacsade dawooyin uga keeno

Daawada dalka iman jirtay waxay ahayd daawo

tayo leh oo lagu soo baadho  dal soo galida dekeda iyo airport dalka

Waxa hada dhacay in dadkii ay ka luntay kalsoonidii caafimaad ee ay ka haysteen dhamaan adeegyada iyo siyaasada caafimaad ee dalka  kadib markii caafimaadkoodi halis galay daryeel la aan daawo la an  maamul xumo qalab laan \

Waxa jiri jiray oday traditional  healer oo hilib daqla gooya  iyo wadaad quraan ku akhriya  bukaha loo geeyo

Jahawareerka  iyo khal khalkaa ku yimid  maamulkii siyaasaded ee caafimaadka dawligu waxa uu sababay in bukahii uu xal caafimaad ka raadiyo oday  iclaaj furtay iyadoo aanay ahayn sharci u ogolaanaya in uu urursado dad caafimaad  ka buka waxa samaysmay  in  dadkii maskaxda ka bukay markii cusbitaaladii dimbirka  ee dawligu ay noqdeen qaar aan daryeeli karayn  masuuliyada caafimaad ee bukaha maskaxda ka jiran  waxay kala kulmeen goobaha iclaajyada bukahu hadidaad jidh dil ku xad gudub xuquuqdisa  shaqsiyaad   dhagaysi la an rayiga bukaha cadaadis cabudhin  daawo la an qalab la an  cunto xumo daryeel la an  hadaba masuuliyada  dhib kaas waxa uu qoorta u sudhan yahay dawlada dalka ka jirta

Dr buuxIbraahin Aadan

Fayo-dhawre madax bannaan

buux2010@gmail.com  063 4130821

 

COMMENTS
Latest News