Hangoolnews.com
Deg Deg:- Madaxwayne Muuse Biixi Cabdi Oo Shaqadii Ka Joojiyay In Ka Badan 100 Qof oo Shaqaale ah Iyo Hayadda Ay Ka Howl-Galaan Oo Wargalisay
January 11, 2018 - Written by Hangool News 1

Hangoolnews:- Madaxwaynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa shaqadii ka joojiyay shaqaale tiradoodu ay dhan tahay 109 shaqaale ah oo ka howl  gala Madaxtooyada Somaliland waxaana lagu wargaliyay in laga wareejiyayo Madaxtooyada iyadoo loo wareejiyo wasaaradaha Cusub ee dhawaaan Madaxwayne Muuse Biixi uu magacaabay,

Talaabadan ayaa ka dambaysay ka dib markii  ay xad-dhaaf noqdeen shaqaalaha ka howl gala Madaxtooyada Somaliland,

Dhinaca kale waxaa jira in qaar badan oo ka mid ah shaqaalaha  laga fadhiinayo shaqadda , Xogtani ayaa waxaa noo xaqiijiyay illo u dhow xaruntaasi, mana jiro wax war ah oo wali ka soo baxay Madaxtooyada somaliland

Waa markii ugu horaysay ee shaqaale tirada intaa leeg laga wareejiyo goob ay ka shaqeenayeen muddo dheer.

Waxii warar soo kordha kala soco Hangoolnews.com

COMMENTS
Latest News