Hangoolnews.com
Akhri:- Magacyadda Laba Wasiir Oo Ka Tirsanaa Xukumaddii Siilaayo  Oo Madaxwayne Muuse Biixi Codsi U Diray Iyo  Kuwa  Ay Yihiin
January 11, 2018 - Written by Hangool News 1

 

Hangoolnews:- Madaxwaynaha Jamhuuriyad Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa Codsi dalab ah u diray laba Wasiir oo ka tirsanaa Xukumaddii Hore ee Madaxwayne Siilaayo.

Labadan wasiir ee hore ayaa kala ah Wasiirkii Hore ee Caafimaadka Saleebaan Ciise Axmed “Xagla-toosiye” iyo Wasiirkii Hore ee Qorshaynta Qaranka Maxamed Ibraahim Aadan “Qabo”.

Codsiga uu madaxwayne muuse u diray ayaa ka dambeeyay ka dib markii ay xubno wasiiro ah oo ay ku jiraan ay kulan ku yeesheen guriga wasiir Qabo kaasi oo ka dhan ahaa Muuse Biixi,

Madaxwayne Muuse oo ogsoon in uu saaxiibadii intoodii  badnayd ka tagay ayaa sidda Hangoolnews ay u xaqiijiyeen Shakhsiyaad ku dhaw dhawo labadan masuul uu Madaxwaynahu ka dalbaday in ay sugaan Mudo  Lix Bilood ah inta ay xukumaddiisu cagaha isku taagayso joojiyaana  shirka dhanka ah Isaga.

Golaha wasiiraddii hore oo si xoogan ula soo shaqeeyay Madaxwayne Muuse intooda badni ay rajaynayeen in ay soo noqdaan ayaa meesha ka baxday,

Waxaana Markiiba bilaabmay kulano lagaga hadlayay xukumadda muuse oo qaarkood lagu magacaabay “Kulan Qaddo sharafeed loo sameeyay Wasiiraddii hore”

Lama oga in ay labadan wasiir joojin doonaan kulanadan ay abaabulayeen oo maqli doonaan codsiga saaxiibkood Madaxwane Muuse iyo Inkale

Hangoolnews.com

COMMENTS
Latest News